Xildhibaan ka Tirsanaa Barlamaanka Kenya oo Maanta Lagu Toogtey Bartamaha Magalada Nairobi

0
63

kenyaXildhibaanka laga soo doorto Kabete, George Muchai ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo lala dilay laba ilaaladiisa ah iyo darawalkiisii.

Mudanahan ayaa lagu dilay waddada Kenyatta ee bartamaha Nairobi, saakay oo Sabti ah, waxaana geerida xildhibaanka iyo saddexda ruux ee la socday u xaqiijiyay warbaahinta, taliyaha booliiska bartamaha Nairobi, Paul Wanjama.

Sidoo kale, gaari kale oo daba-socday gaarigiisa ayaa waxaa saarnaa afar ruux oo qoyskiisa ka tirsan; kuwaasoo ay ku jireen xaaskiisa iyo gabar uu dhalay. sida uu warbaahinta mar kale u sheegay taliyaha booliiska bartamaha Nairobi.

Baabuurka xildhibaanka ayaa la sheegay inuu isku hor-gooyay gaari ay wateen kooxo hub kala duwan watay, iyadoo mid ka mid ah kooxdaas uu rasaas ku furay gaarigii ay Muchai iyo wateen, halkaasoo dhammaantood lagu dilay.

Goob-jooge iibinayay joornaallo oo halkaas ku sugnaa ayaa sheegay in ninka toogashada geystay uu wajiga u xirnaayeen, isagoo intaas ku darya in toogashada kaddib ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Afartan qof ee la dilay ayaa la sheegay in dhammaantood laga toogtay madaxa iyo laabta. Waxaana maydadka halkaas ka qaaday ciidamada booliiska oo geeyay guri la sheegay in lagu diyaarinayo si loo aaso.