Aqoonyahanada Koonfur Galbeed ee Waqooyiga America oo Soo Dhaweeyey Xukuumada Cusub

0
34

SharmarkeQurba jooga Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Waqooyiga Ameerika ayaa si weyn u soo dhaweeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid uu soo Magacabaay.

Aqoonyahanada Koonfur Galbeed ee Waqooyiga Ameerika ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Go’aanka Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu ku soo Xushay Golaha Wasiiradda,waxaana ay ugu baaqeen Baarlamaanka inay Ansixiyaan Xukuumada Cusub.

Aqoonyahanada Koonfur Galbeed ee soo dhaweeyay Magacaabista Gollaha Wasiirada Cusub, waxaa ay kala joogaan dalalka Canada iyo America waxaana ay ku tilmaameen iney wasiiradan yihiin kuwii dalka gaarsiin lahaa meel fiican iyo hiigsiga 2016.

Taageeradaan  Madaxda iyo Qurba jooga Koonfur Galbeed ay u fidiyeen Wasiirada Cusub ee Xukuumada Muqdisho ayaa imaaneysa iyadoo weli aan la soo Magacaabin Wasiir Kuxigeenadii iyo Wasiir Dowleyaasha.