Shariif Xasan oo Afka ciida loo daray kadib magacaabistii golaha wasiirada.

0
151

shariif sakiin1Kadib kolkii uu caawa soo magacaabay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid golihiisa  wasiirada ayaa waxaa durbaba soo baxaaya su’aalo layska weydiinayo qaabka uu usoo xulay xubnaha cusub ee Dowladiisan cusub ka mid noqday iyo kaalinta ay ku leeyihiin raga horboodaya hogaanka Dowlada Soomaaliya.

Kaalinta Madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxa uu ahaa shaqsiga ugu saamaynta badan soo magacaabista golaha wasiirada maadaaama  sharciga uu siinaayo kaalin ah la tashi taasi oo mararka qaar la rumaysnaa inay u xuubsiibanaysay inuu guud ahaan uu afduubto xafiiska Ra’isulwasaaraha kadibna uu u soo dhiibo wasiiro uu soo qortay madaxweynaha .

Hadaba golahan cusub ee caawa ku dhawaaqay Cumar Cabdirashiid ayaa ka duwan sidii la filayay oo ahayd inay kasoo dhexmuuqdaan saaxiibada madaxweynaha ee sida gaarka ah la isugu haystay taasina waxay muujinaysaa in Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid ugu yaraan uu guul ka gaaray inuu soo dhiso gole wasiiro isagoo ka madaxbanaan xafiiska Madaxweynaha taasina ay tahay tan inta badan ay shacabku rajaynayeen balse arimuhu ma ahan sidan oo kaliya ee waxaa kaloo jira in ugu yaraan ilaa Sideed xubnood oo Damuljadiid ah ay hadaba ka mid yihiin golahan cusub ee caawa lagu dhawaaqay sidaasina ay labada dhinac waa madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaruhuba ay yihiin kuwo wada guulaystay kolka dhankaa laga eego.

Kaalinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu isna qayb ka ahaa shaqsiyaadka awooda iyo galaangalkaba ku lahaa dhismaha golaha wasiirada gaar ahaan shaqsiyaadka u soo galaya golaha beeshiisa Digil iyo Mirifle halka uu Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kaashanaya Xildhibaano,Beelo iyo Qabqablayaal hore oo ay saaxiibo siyaasadeed isla ahaayeena uu tartan kula jiray gudoomiye Jawaari.

Tartanka labadan shaqsi ay ku tartamayeen hogaanka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay u sabab noqotay inay Jahwareer iyo Mugdiba geliyeen hogaanka beelaha Digil iyo Mirifle ee ku aadan masiirka Ummada Digil iyo Mirifle.

Iyadoo uu sidaa ahaa xaalka guud ee siyaasada Digil iyo Mirifle ayaa waxaa hadana aan la dafiri karin sida golahan cusub ee wasiiradu ay uga soo dhex muuqdeen saaxiibada Jawaari loona waayay Saaxiibadii Shariif Xasan.

Qaabka awood qaybsiga ee ku aadan golahan wasiirada ee cusub ayaa waxa uu u muuqdaa in beelaha Digil iyo Mirifle ay ku yeesheen afar xubnood.

-Dr. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda.

-Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha

-Eng.  Saalax Sheekh Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska

-Drs.  Xaawo Xasan Maxamed(Lahelow) Wasaaradda Caafimaadka .

Xubnahan Afarta ah ayaa waxay yihiin siyaasiyiintiin aadka ugu dhowaa Prof Jawaari isla markaana qabay fikirkii lagu dhisay maamul goboleedka Lixda gobol ee Madaxweyne Madoobe Nuunoow oo Shariif Xasan oo kaashanaya cadawga Digil iyo Mirifle uu Gaagixiyay.

Hadaba halkaasi waxaa ka cad in Shariif Xasan iyo Kooxdiisa Afka ciida loo daray isla markaana ay tani bilow u tahay burburkooda.

Shariif Xasan oo ku dhowaad bil Muqdisho u fadhiyay sidii uu kooxdiisa wada Dulaaliinta ahi ay u buuxin lahaayeen kuraasta ay golaha wasiirada ku yeesheen Digil iyo Mirifle ayaa caawa ka faramaran halka aanu Baydhabana uu ku noqon karin maadaama Deeman tiro dhaaf ah oo lagu leeyahay maamulkiisa rimaygacmeedka ah farqaha loo haysto

Kolka laysku soo hooriyana jabkaan Shariif Xasan iyo kooxdiisa soo gaaray caawa ayaa waxa uu bilow u yahay burburkooda.