Ciidamadii Ka Socdey Dalka Sieraleone oo Maanta Gebi Ahaantooda Isaga Baxay Dalka Somaliya

0
39

sieralioneCiidamadii ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba isaga baxay Soomaaliya, iyadoo ciidamadani ay dib ugu laabteen wadankooda.

Ciidamadan oo ay tiradoodu gaareeysay 900 oo askari islamarkaana intooda badan ku sugnaa gobolka J/hoose ayaa maanta waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ka daadgureeyay diyaarado ay leeyihiin Qaramada Midoobay.

Ciidamada ka socday dalka Sieraleone ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yimid dalka dabayaaqadii bishii Abriil ee sanadda 2013, iyadoo ciidamadaasi ay ku kala sugnaayeen degmada Kismaayo iyo weliba deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka J/hoose.

Booskii ay baneeyeen ciidamadan ayaa la filayaa in ay soo buuxiyaan ciidamo ka socda dalka Itoobiya.