War Deg Deg Ah Golahii Wasiirada ee Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo La Kala Direy

0
73

breaking nRa’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aansaday inuu kala diro Golaha Wasiiradda Cusub ee uu dhawaan dhisay.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la Sheegay inuu Xalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu u gudbiyay Waraaq uu saxiixay oo uu ku kala dirayo Golaha Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in uu Codsaday in la siiyo 14 Cisho ah la siiyo si uu u soo dhiso Golle Cusub oo Shacabka iyo Baarlamaanka Kalsooni ka haysta.

Tani waxay cadeyn u tahay culeyska Siyaasadeed ee soo wajahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbigooda damuljadiid.

Maanta ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Sharmaake uu soo Saaro Qoraal uu ku Faahfaahinayo Go,aanka ka soo baxay.