Alshabaab oo weerartay Xalane

0
40

Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigga ugu weyn ee Howlgalka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee Xalane ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyadii ka dambeysay weerarka. Saddex askari oo ka tirsan AMISOM iyo qof rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, sida ay AMISOM ku sheegtay boggeeda Twitter.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa tilmaantay inay weerarka ku beegsatay xaflad ciidanka AMISOM ay ugu dabbaaldagayeen Ciidda Masiixiga oo saldhigga ka socotay.

Afhayeenka AMISOM Kornayl Cali Aadan Xaamud ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ugu yaraan siddeed dabley ah ay galeen saldhigga. Saddex ka mid ah dableyda ayaa la toogtay, labo kale ayaa isku ag qarxisay bakhaar shidaalka lagu kaydiyo, halka saddex kale la rumeysan yahay inay baxsadeen.

AMISOM ayaa xaqiijisay in dableyda Al-Shabaab ay gudaha u galeen xarunta, balse markii dambe xaaladda caadi lagu soo celiyay.

Saldhigga Xalane waa meel amnigeeda si adag loo adkeeyay oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Waxaa Soomaaliya jooga 22,000 oo askar oo ciidamo Afrikaan ah, kuwaas oo dalka la keenay tan iyo 2007.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa la dagaallamayay Al-Shabaab muddo sanado ah, waxayna ka saareen kooxda magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliyana waxa ay sheegtay inay xoojin doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho
daafeet media
Xogta Wararka Daafeet Media
daafeet.net