Alshabaab oo Maanta Weerar ku Qaadey Xerada Xalane

0
39

alshaDagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Weerarku wuxuu ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo qof isa soo midaamiyey watey kaasoo ku qarxay afaafka hore ee xerada, waxaana intaas kadib isku dayey inay xerada gudaha u galaan dhowr nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bumbooyin.

Afh-hayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad oo VOA-da waraysi gaar ah siiyey ayaa xaqiijiyey weerarka inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo baaxadda khasaaraha.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha saxa ah ee ka dhashey weerarkaas.