Dhegayso…Roobab Xoogan oo ka da’ay Wadada u dhaxeysa Gobolada Bay iyo Gedo

0
32

roobRoobabkii xooganaa ee daadad watey mudooyinkii ugu dambeeyeyna ka da,ayey wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Baardheere oo dhererkeedu uu yahay ilaa 210km ayaa markii ugu horeysay waxay saameyn adag oo dhinaca nolosha ah ayku yeesheen isku socodka dadka, gaadiidka iyo maciishada,waxayna gooyeen wadooyinkii ay soo marayeen Badeecooyinka Ganacsi iyo dadka rakaabka ah ee u kala socdaalayey degmooyinkaasi.

Darawalada Gaadiidka iyo Ganacsatada Badeecooyinka ee Baardheere ayaa waxay sheegeen mudo Bil ku dhow in ilaa 40 baabuur oo noocyada Xamuulka ah ay ku xayiran yihiin Togag waaweyn oo u dhaxeeya degmooyinka Baydhabo iyo Baardheere,iyadoo dhibaatadaasina ay keentay Qiimaha raashinka in laban laab uu ka saro maro qiimahii Bil ka hor wax lagu kala iibsanayey.

Cali Cabdulaahi oo ka mid ah darawalada Gaadiidka Xamuulka u kala goosha degmooyinka Baardheere iyo Baydhabo ayaa Wadajir u sheegay in bur bur xoogan oo ka dhashey Roobabkas uu ku yimid Wadooyinkii lagu socdaalayey,isagoo sheegayna wadooyinkaasi oo mudo ka badan ilaa 25sanno anan helin wax dayactir ah darawaladu in ay ku qabaan dhibaatooyin,isagoo sheegayna dhibaatooyinkaasi in ay u sii dheer yihiin Shilal ka dhacaTogagaasi ka samaysay wadooyinkaasi.

Burburka wadooyinka iyo saameynta Roobabkii daadadka watey ee waxyeelada ay ka soo gaartey wadooyinka  ayaa waxaa sidoo kale ay saameyn ku yeesheen gaadiidka yar yar ee u kala goosha qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo,Xuseen Isaaq waxaa uu ka mid yahay darawalada gaadiidka ee ka shaqeeya degmooyinka Baardheere iyo Baladxaawo waxaana uu sheegay in safarkooda ay ku qaadato labada magaalo oo isu jira ilaa 190km,mudo labo maalin ah, taasina waxaa sabab u ah ayuu yiri Bur burka wadooyinka iyo Togaga waaweyn oo ay adag tahay in si sahlan loo maro.

Si kastaba ha ahaatee Wadayaasha Gaadiidka iyo Ganacsatada Gobolka Gedo ayaa Codsadey in la dabo qabto wadooyinkan bur bursan oo aan helin wax dayactir ah muddo ka badan ilaa 25 sanno,islamarkaana halbowle xaga nolosha u ah kumanaan Qoys oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay dhaqdhaqaaqa Ganacsiga.

Halkan ka dhegaysoRoobab Xoogan ee ka da,ay Wadada u dhaxeysa Gobolada Bay iyo Gedo