Somaliya iyo Somaliland oo Qodobo Dhowr ah Isla Meel Dhigey

0
44

xasanWadahadalladii gellinkii dambe ee shalay ku dhex-maray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed.

Warmutiyeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa waxaa uu sheegayaa in Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland uu kulankoodii shalay ahaa mid hordhac ah waxayna isla garteen qodobbo dhowr ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin In dib loo billaabo wadahadalkii u dhaxeeya labada dhinac 15-ka illaa 16-ka bisha Janaayo ee sanadka nagu soo aaddan ee 2015-ka.

Sidoo kale, heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa in wadahadalladaas intooda badan looga hadlo arrimaha siyaasadda, lana fuliyo qodobbadii horay ay ugu heshiiyeen Somalia iyo Somaliland, isla markaana laga joojiyo wax walba oo caqabad ku noqon kara wadahadallada socda.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah inaan deeqaha ka yimaada beesha caalamka ee bani’aadanimada ah iyo mashaariicda kale ee uu dib u dhisku ka mid yahay la siyaasadeyn.

Waxaa kaloo heshiiska ka mid ah In la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada ee horay loogu heshiiyay, isla markaana la sameeyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeyn lahaa. Waxaa kaloo qodobbada ka mid ah in labada dhinac ay isla-gartaan in wadahadallada laga qayb-geliyo dalalka saaxiibka ay yihiin.
Daafeet.Com