War Deg Deg Ah Cumar Cabdirashiid oo Loo Magacaabey Reysulwasaraha Cusub

0
26

SharmarkeMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor-dhow u magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, u magacaabey Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kaasoo bedeli doona ra’iisul wasaarihii hore, C/weli Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh ayaa markii uu ku dhawaaqayay ra’iisul wasaaraha sheegay inuu u doortay inuu xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabo Cumar C/rashiid oo uu sheegay in uu ka rajeynayo inuu soo dhiso xukuumad sii wadi karta howlaha horyaalla dowladda.

Sharma’arke ayaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Somalia si codka kalsoonida loo siiyo, markaasoo uu soo dhisi xukuumad cusub, wuxuuna noqonayaa ra’iisul wasaarihii sadexaad ee uu magacaabo Xasan Sheekh.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa horey usoo noqdey reysulwasaare sanadihii 2009-kii – 2010-kii, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhex-galay isaga iyo madaxweynihii xilka hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Daafeet.Com