Baarlamaanka oo Maanta Ka Doodaya Mooshinkii Laga Keeney Reysulwasaaraha

1
35

barlamanXildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay maanta kulankooda kaga doodaan mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo xukuumaddiisa.

Mudane Maxamed Cumar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in kulanka maanta ajanadahiisu uu yahay ka doodista mooshinka laga soo gudbiyay xukuumadda, kaasoo uu xusay in Sabtida soo socota codka loo qaadi doono.

Sidoo kale, mudanaha ayaa sheegay in kulanka maanta laga akhrin doono magacyada xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay, markaas kaddibna la billaabi doono in xildhibaannadu ay ka doodaan mooshinka si xildhibaan walba uu aragtidiisa uga dhiiibto mooshinka.

Waddooyinka soo gala xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo kulankan uu imaanayo kaddib markii kulammo dhowr ah oo looga hadli lahaa mooshinka ay fashil ku dhammaadeen, kaddib buuq ay sameeyeen xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah RW C/weli iyo xukuumaddiisa.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. waxaan u malenayaa inuu rw c/weli iyo xakumadisa la ridayo sababtuna waxay tahaay somalidu waa labo qomiyadod oo kalaha irir iyo darod irir waxa u barlamanka ku leyahay 214 darodna waxa u barlamanka ku leyahay 61 sida awged wuu dhacaya rw c/weli

Comments are closed.