Dhegayso.. Naafada Buurdhuubo oo dhibaatooyin haystaan(Wareysi)

0
35

Afhayeenka Naafada GarbahaareyDadka ku naafoobay colaadaha iyo cudurro dalka ka jira ee ku sugan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya macluul iyo gaajo daran oo haysata, Naafadan oo isugu jira indhoolayaal, dhagoolayaal iyo cuuryaamiin rag iyo dumar ah ayaan haysan fursado shaqo iyo taageero bulsho midna. 

Maxamed Xasan Shire oo ah Gudoomiyaha dadka naafada ah ee degmada Buurdhuubo ayaa Warbaahinta Wadajir u sheegay in dad naafo ah oo ka badan ilaa Afar boqol oo qof oo deegaanka ku nool aysan helin gargaar iyo kaalmo maxali ah iyo mid dibadeed toona,isagoo sheegayna dhibaatooyinka ay qabaan in ay ugu weyn tahay cunno la,aan,hoy la,aan,Caafimaad daro iyo rajadooda oo aad u xun ,maadama deegaanka ay ka jiraan Colaado hakad ku keenay gadiidkii soo galayey deegaanka.

 “Nolosha dadkaas naafada ah aad bay u dhibban yihiin, waana dadka ugu liita Soomaalida maanta,” sidaas waxaa Allgedo  u sheegay guddoomiyaha dadka naafada ah ee degmada Buurdhuubo,wuxuuna intaas raaciyay in dadkaas naafada ah intooda awooda inay shaqeystaan aysan helin fursado shaqo sababo la xariira shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo Colaadaha.

Naafada Buurdhuubo ayuu sheegay in ay isugu jiraan kuwa ku naafoowey dagaaladii sokeeye iyo kuwo kale oo cuduro ay la naafoobeen,mana jiraan ayuu yiri wax gargaar ah oo ay heleen Naafada, marka laga reebo gargaar yar oo DF ay soo gaarsiisey deegaanka mudo laga joogo ilaa 4 bil.

Sidoo kale Cali Daahir Yarow oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Buurdhuubo ayaa Wadajir u sheegay Boqolaalka ruux ee naafada ah ee ku nool Buurdhuubo iyo nawaaxigeeda xilligan in ay baahi weyn u qabaan sidii looga taageeri lahaa adeegyada ay u baahan yihiin,waxuuna ka codsadey, dadka Soomaaliyeed,Jaaliyadaha Dibada iyo hay’addaha gargaarka inay naafada u fidiyeen taageero nololeed.

Halkan ka dhegaysoNaafada Buurdhuubo oo dhibaatooyin haystaan