Gudoomiyaha Barlamaanka Prof Jawaari Oo Sheegey In Moshinka Malinta Isniinta La Hor Keeni Doono Barlamaanka

0
29

jawariGudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta u ambabaxay Jabuuti ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah ra’iisul waasaraha Soomalia la qaybin doono Isniinta soo socota.

Jawaari oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay inuu baarlamaanku kulan yeelan doono Isniinta soo socota, isagoo ka digay in la carqaladeeyo kulankaas, sidii loo carqaladeeyay kulammadii ka horreeyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa u mahad-celiyay xildhibaanno uu sheegy in ay ilaaliyeen nidaamka baarlamaanka labadii kulan ee uu buuqu hareeyay kulammadii uu baarlamaanku yeelan lahaa.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa imaanaya iyadoo xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka ay dalbadeen inaan baarlamaanka lagu soo celin mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay kuilmaameen mid laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya.

 

Daafeet.Com