War Deg Deg Ah:- Warsaxaafadeed Lagu Joojinaayo Shirka UU Shariifka ka Maleegayo Baydhabo Oo Kasoo Baxay xafiiska Gudomiyaha Barlamanka

4
22

breaking nAnnagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo qaadashada go’aankaasina uu ka dambeeyey tixgelinta cabashooyinka kasoo yeeraya Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,bulshada rayidka iyo ergooyinka weli dibadda ka jooga howlaha geedi socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Iyadoo sidoo kale la ogsoon yahay go’aankii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee soo baxay 01-11-2014 oo cadeynayey in aanan la qaban karin doorasho inta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hubineyso iney si buuxda uga wada qeyb qaataan qeybaha bulshada ka go’aan gaarista masiirka iyo maamul u dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Hadaba ayadoo la xeerinayo qodobbadan kor ku xusan waxaa halkan looga digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad,xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka qodobkiisa 48aad,farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka,mas’uuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Daafeet.Com

4 COMMENTS

  1. KKKKKK KKKKKK KKKKK K WAA SOCON WEYNAYEE AAN ORODNO MIYAA WAR SAXAAFADEEDKAAN?

    DAWLADDA IYO BAARLAMAANKA HADDII AY RUN KA TAHAY, MAXEY U AMRI WAAYEEN BOLIISKA IYO CIIDAMADA DFS EE GOBOLKA INEY XIRAAN SHIRKA , SOONA QAB QABTAAN KUWA MEESHA KU SHIRAAYA OO DIIDEY AMARKOODA ?

    WALLEE ARINTA WAA TIMIR LAF BAA KU JIRTA, KKKKKK KKKKK
    KKKKKKKK KKKKKKKK EE AAN ARAGNO HALKA AY KU BIYO SHUBATO.

  2. Jawaaari: Waa odaay aan qadarineyno. Waxaa laga sugaayey sidaan oo kale in uu shir Jaraaid u qabto doorashadii Ahmaed Midoowe ee Kismayo la dhacday. Sidaan ayuu korsiga ugu fadhiyey. Sawirada laga soo saarayey waxay ahaayeen isago HURDAAYA 00 haba yaraate dan ka laheen waxa dhacaya degaanka dadkana lagu sameeeynayo. Maanta ayuu soo toosay. Waxaa xaysa qiiro xasidnimo. Yaa uga fadhiya.

  3. Asc wan so dhaweynaya in an la aqonsan Sharif sakin wuxu walaqayo.
    Baydhabo casimada wu ka raray barawana Habargidir aya ugu si hormarty cidamo Goobale uu wato marka cidan konfur galbed e ka difaco ma haysto asaga cirka rob ku og.

    Hadu dadkisa is kala tashto sida raga DM ugu tunka weyn iyo Pro.jawari maxa ka halawi laha misna mida U ku xun yahy waxa waye dantisa kaliya ayu yaqan Ee dan DM wiligis ma firin marka yu xukuma.

    Mar walalkis ayu madaxweyna ka dhigay marna wilkis ayu dhahy wasir haliga dhigo marka si kasto ayu wax ku radina.Sxb degankan konfur galbed beelo aya is kaleh misna daga la tasho la antod wax kuma hagagayo.

  4. Asc, Shariif sakiin waa nin la wato anaga noo shaqeeya ee faraha nooga qaada wax la yirahdo D/M ma jiraan wa Digil iyo Daame war nadaayaa ee riiyada eloowa balankeena wa Baraawe kunna heeshiinay inaa wada degno Baraawe

Comments are closed.