Maxaa Baraawe lagaga doortay Baydhawo, Marka iyo Hudur

6
216

baraweWaxaa malmahaan ka socdo magaalada Baydhawo shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed Somaaliya oo lakin ka kooban sadex gobol; Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose taaso aan marna ka tarjumeynin rabitaanks iyo danaha shacabka ka dhashay Koonfur Galbeed Somaaliya. Waxa kuso siyaaday ayaamahan, soona baxaya khilaaf ka dhashay arrimaha maamul dhisida 3G ee isku heystaan maamul goboleedka Villa Somaaliya ka jira iyo dadka oo Shariif S mesha keensaday si ee asiga u doortan kana dhigtaan “madaxweyne”. Waxa la yiraahada “HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”.

Maqalkaan kuma saabsana xaranta la xiriirta ku dhawaaqida 3G Koonfur Galbeed Somaaliya, lana wada ogyahay in eeyna ku saleesnen rabitaanka dadka ka dhashay gobolka. Arintaan waxa wato dad iyo qabiilo dana gaar ah ka leh. Xaqiiqada arintaan waxa ku cadeeyneyso marka eey iscelin wayeen ee Baraawe ka dhegteen magalo madaxda 3G. Shekadaan waxey dawa socoto in markale si dadbaan loola wareego Gobolka Shabeela Hoose Baraawane eey ka mid tahay. Arintaan waxa loo adeegsanooya caloshood u shageestayal ka dhashay degmooyinka oo ka koobanyahay 3G ku sheega.

Maxey tahay sababta Baraawe kaga fiicantahay magaalooyinka Baydhabo, Marka iyo Xudur oo ah caasimadaha saddexdaan gobol ee Bay,Sh/hoose iyo Bakool. Wa wax lugu qoslo marne loola yaabo markaan maqalnay; “Guddiga farsamada ee maamul u sameeynta gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in degmada Baraawe ay tahay caasimada maamulka 3G”. Wa la wada ogyahay dhismaha riyada 3G oo lo samaayo Koofur Galbeed Somaaliya in eey dawada ka riixaayan qabiilo oo ku shaqeeysaneyso magaca Hawiya iyo xalooshood u shaqeestayaal oo la wada yaqaan. Fikirdaan ayaa timid marki moryaanta ku adkaati in eey si toos ah xog oogu gabsadaan Gobolka Sh. Hoose. Marka siyaasada ka dambeesa dhismaha 3G wa in si dadban lo qabsado Gobolka Sh Hosse lana giliyo gumeesi cucub oo casri ah ayado looso maraayo dhismaha maamulkaan.

Magaalada Baraawe oo ah magaalo xeebet ka mid ah degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose waxey can ku tahay tariikh iyo xadaarad qadiim ah. Suaasha kor ku qoran waxey daba socata Alla Ha Naxariista Saado Cali hesteeda eheed “SHABEELE MAXA KU LUMAY”. Maxa mooryaanta is baheesatay Baraawe kaga lumay eey xata rabaan in eey ka dhigaan magaalo madax gobal. Wa la wada ogsoonyahay maamulka loo dhisayo Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose in uu yahay mid sharciga ka soo horjeeda oo aan marna ka tarjumeeynin rabitaanka dadka goboladaan daga ee ka dhashay. Maxey dawlada o faragilin weysay dhismaha maamul gobaleedka kale.

barawe

Magaalada wili waxa ku yaalo jazuuradi qadiimka ahaay

barawe1

Laakin waxa soo dagay dad kale!!! “INTEY KA BAXEEN DADKI KA DHASHAY DEGMADA BARAAWE?”

Uga danbeedki aan uso noqano suaasha cinwaanka maqaalkan iyo side eey dadbadan u arkaan jawaabta:

· Magaalda Baraawe manta waxa ku badan qolo ka tamid gobolada dhexe soon gashay degmada Baraawe ayaga oo hubeysan lawaatan iyo shanti sano ee la soo dhaafay oo dalka ku jiri murugta iyo mashaqada dagaalo qbiil.
· Qabiil magaca Hawiya ku shaqeeysanyo oo ka sabri lah Gobolka Shabeelada Hoose guud ahaan iyo Braawe gaar ahaan rabane in xoog ku si ahaasto.

· Mooriyaan ka qaraabata Sh. Hoose oo booli ku nooleed muddo 25 sano kor u dhaaftay aan ila hada kala kaseeynin qaladka iyo saxa, xaraanta iyo xalaasha oo cabsi weyn ka qabto dhismaha lexada gobol ee Konfur Somaaliya Baraawane ka   mid tahay.

· Shaqsiyaad oo ka mid yahay Indhacadede oo weli ka sabri la Sh. Hoose oo marba ku yimaado wajiyo kala nooc ah sida: qabqable dagal, maxkiimta Islaamka, shabaab, genaraal ku sheeg ka tarsan dawalada. Si oo usi wato howshiisa, oo ka qabanaayay Sh. Hoose waxu raba ino isticmaalo dhismo maamul 3G asigo ku adeeganayo calooshood u shaqeestayal la wad yaqaan. Baraawe oo magalo madax gobol laga dhego waxey u fududeyney shaqada oo ka haayo Sh. Hoose.

yusuf

KoofidA Reer Baraawe iyo cimamada wa dhaqan eey ku xashaashan Reer Benaadir. Asigo laba go’ iyo qori wata oo Xamar soo galay – bililaqo dhaqan!!
Asigo arintaan si fasiraayo, Amin wa mahadsanyahay sawirkaan hoos ku yaal oo asna macneeynayo sababata Baraawe loo daba joogo madaama eey ka mid tahay Sh. Hoose.

qabiil

Gunaanad:

Dadka ka dhashay gobolada Konfuur Galbeed Somaaliya iyo waliba qaasatan Gobolka Sh. Hoose mudu ku dhawaat lawaatan iyo shan sano waxa dhib, dulmi, gumeeysi iyo adoonsi ku haayay qab-qablayaal dagal iyo moryaan oo wato magac qabiil kana soo duulay gobolada dhex. Waqtigaan xaadirka, waxa si adkeeyay xalada eey ku jiraan shacbka marki qoladaan soo dhuushay eey garab iyo qaraabo kiilba ka heleen dawalada ka jirta Vila Somaaliya ayado looso maraayo dhismo maamul goboleedyo.

Shir ka dhacay magaalada Baydhawo waqti aan aad u fugeen aya ayada laga tarjumaayo danta iyo rabitaanka daka ka dhashay Konfuur Galbeed Somaaliya lagu dhisay maamul 6-gobol ee loogu magacdaray Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Lexdaan Gobol ayaa kala ah, Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeelah Hoose, dadka ka dhasyine wa umad oo weligood iyo qarniyaal wada dhaqmi jiray. Maxa loo dulmina oo loogu didisanyahay in eey dhistaan maamul u gaar ah sidi Buuntland iyo Somaaliland.

Uga danbeenti waxaan ugu baaqaya inta hoos ku qoran:

•             Umada Somaali oo dhan, inta xaq dirirka ah ee xalaasha ah
•             Umada Muslimiinta oo dhan iyo caalamka inta nabada jacel
Kana codsanaaya:

In la taageero umada ka dhashatay Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, lana garab istaaga seey ayahooda iyo dantooda oga tashi lahayeen, iskiigana daafici lahayeen kuwa imaanka ka tagy ee uso dhoofay in eey boowaan dhulkooda ayago istacamaalyo farsamadi lagu yaqaani gumeysiga ee eheed “ QEYBI OO XUKUN”.

 

Burfuule
Mr.Burfuule@yahoo.co.uk

 

 

 

6 COMMENTS

  1. Soomaalida waxey ku maahmaahdaa: Ishiis laga arke ayaa Ushiisa lagu Tumaa!!! Saaxiib, aniga horay ayaan dhowr jeer ka sheegay Shirar ama Wareysiyo ku saabsan Arimahaan marka la yaab malahan in aan maanta arko in la sharciyeeyo Sii heysashada SHABEELAHA HOOSE! maxaa yeelay Dadka Deegaanka ku abtirsado ayaa Dat BULUNBILIYO, ah, iyo dareen la,aan, marka Gurigii adigu aad leheed haddaad adigu u kici waayey maxaad ku eedeeysaa INDHA CADDE IYO WALAALIHIISA!TUSAALE: Qofka qoraalkaan soo qoray Magaciisa kuma soo qorin, taasi waxey ka mid tahay Fulayninmadu heerka ay ka taagantahay kuwa u dhashay Gobolkani. In BARAAWE,laga dhigto caasimadna waa wax meesha ku jira oo u sahlaaya iib geynta iyo dhoofinta Dhuxusha, Isticmaalka Dekadda,In laga soo dajisto HUB iyo wixii la mid ah, sidii looga kaaftoomo Muqdisho!Tan kale waa” Baydhabo” ma wada joogi karaan Laba Maamul kan lixda iyo kan hadda. Xudurna ma dhoqon karto oo waxey noqoneeysaa meel go,doon ah. Waxaa u sii dheer Baraawe, waxa loo doortay waa in laga sameeyo Dhaqaale, ee ma ahan Haloo daneeyo Shacbiga ku nool, ileen hadafka weyn waa in la sameeyo dhaqaale oo lagu sii gumaado Masaakiinta iyo Daciifiinta ee Ummadda Soomaaliyeed.

    Tan Muhiimka ah, oo u baahan in la ogaado,waa: Dakaan Gobolkaan xoogga ku heesto waxey arkeen ama garoowsadeen dhowr arimood:

    1- Dadka Gobolka oo khilaaf dhex yaalo, oona marna aanu heshiin karin.
    2- In shacbigaan Gobolka ku abtirsada Isticmaarka ka xoog badshay, oona fahmi la, sidii ay iskaga reebi lahaayeen.
    3- Ayadoo Dhaqaala badan lag helaayo, shacbigeedan aan laheyn ama muujineeynin wax diidmo ah.
    4- Iyo Shacbiga Gobolka aan ogoleyn DHIMASHO
    5- Iyo, Qaar u dhashay Gobolka oo Damiir aanu laheyn u horseedaaya in Kuwa ku soo duulay ku garabsiinaayo sii heysashada Dhulkaas iyo ka beeyacmushtarka kheeyraatkiisa!

    6- Kuwa ku soo duuley Gobolka- waxey la socdaan in Shacbiga deegaanka Badanaa ay Munaafiqiin Yihiin, oo aanu dhab ka aheyn wax u qabadka Gobolka.

    Marka war iyo gaba gabadiisa: Maxey tahay waxa lagu eedeeynaayo Nimanka Hunguri doonka ah, aan xal iyo hor umar aanu u soo wadin Gobolka?

    Ayadoon la helin, is baddal dhab ah ku yimaado Shacbigaas Gobolka ku abtirsada iyo wax ka baddalan dhaqanka aan kor ku soo xusay! Marna maka xuroobi doonaan! Taasi waa sunnatul Xayaa!

    Mahadsinidiin: Xassan Hagi

  2. somali waxay ku mah mahda mel xoo ubaahan hadal waxba kama taro waayo mel dagaal ubaahan wada hadal iyo bariyo waxba kama taraan dagaal udiyaar garowb

  3. Baraawe ma ku badna Hawiye ee qoraalkaan ha la soo saxo waxaa ka buuxo qalad badane.

    Hawiye ma joogo Baraawe, ee hada afkiina ha ku siinina waa qaldan tihiinee…

    • Maxamud ninka labaxay….waa riyoonaysaa saaxiib

      Garoowaa jiiftaa. Baraawe hawiye siibatah habargidir aa buushwalba iyo guri walba kujirta si kasiidaran magaalada madaxda Marka

      Ciidamada Goobaale hogaamiyaana gacanta kuhaya hada iyo Amisom

  4. KKKKKKKKKKKKKK Waa yaab shalay Waad jiifta Markaan dagaalka kula jiray mooryaanta illaa iyo hada ayaan dagaal kula jiraa Mooryaanta Degmada Baraawe Waxaa dagan dadkii lahaay kkkkkk Biimaal iyo Tunni Cidii kale oo Magaalada Degen

  5. buurfuule waa ku mahadsan tahay maqaalka qiimaha leh ee aad uga faloneysid dhibka ka sii socda soomaliya gaar ahaan k/galbeed..ilaahey haka qabto dadka xumaanta caadeystey shacabka deegaanka oo uu dhibku ku raagey ..

Comments are closed.