Wasiirka Arimaha Dibada oo Sheegey In Qilaafka Uusan Hor Istaagi Doonin Shirka Ka Dhici Doona Denmark

2
34

bayleWasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlet warbaahinta ayaa u sheegay in saameyn uusan ku yeelan doonin khilaafka madaxda dowladda ka dhex-taagan ka qaybgalka shirka arimaha Soomaaliya looga hadlaayo ee ka dhacaayo Copenhegan ee dalka Netherland.

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegaya in Soomaaliya ay tahay hal qaran oo leh hal calan, iyaga oo sidaasi isugu duubana shirkaasi ay ka qaybgalayaa, oo labada masuul khilaafka ka dhaxeeysa uusan saameyn doonin shirka.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili mareykanku uu shaley sheegey in uusan ka qaybgali doonin shirka arimaha New Deal looga hadlaayo ee Copenhegan ka dhici doono sababo Mareykanka uu sheegay khilaafka dartiis.

Khilaafka madaxda dowladda u dhaxeeya ayaa ah mid in badanba socdey oo soo noqnoqonayay ayadoo ilaa iyo iman xal aan loo heyn.

 

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. dowladihii shirka ka soo qeyb gali lahaa baa sheegey ineynan ka soo qeyb galeynin oo ay taageeradooda kala laabteern dowlada muqdisho ee uu qilaafka hareeyey..ma adiga ayaa ka weyn oo aan ku dhageysanaa jaale wasiir..ka hadal xalinta qilaafka madaxda dalka beentana jooji aad umada u sheegeysid..

  2. madaxda dalkoow,idinka ma waxaad u shaqeeysaan ummadda soomaaliyeed mise dan gaar ah baad heeysaan? war dadka soomaaliyeed meelkasta eey aduunka ka joogaan weey u hanweeynaaye waana lagu farxay marki aan la isdhahay illaahow nooadgeey dawladda ma miyeey oggeen dadka soomaaliyeed dibbadda iyo gudahaba in eey ku dhibanyihiin. war ilaaheey ka baqa oo joojiya khilaafkaan war wasiir la badeley maa wadanka horumarkiisa loo baabin,haddii Ra’iswasaarihi hore la yiri shaqadiisi buu ka soo bixi waayey ,sida la ogyahay in wax uu hayey uusan jirin oo madaxweeynaha qabanaayey,oo iska aamusay, mooshin loo diray oo qalad ahaa ,markasta j/le madax weyne miyeey eheen in aad kan kalae oo aad soo magacaabeso in aad ka fiirsato,hadii aad keentay med adag oo hooshiisa ka soo baxayo,oo wata shaqadiisa wasiiro uu kala bedeley ma ah wax aad ku dhahdo mooshin ha laga keeno, sababta oo ah shalay markuu wasiiradda uu soo dhisay ma aad ka hadlin,maxaa maantay keenay in aad ku qabsato shaqadiisa,maalin kasta soo ceeb ma ah in aad dhahdo mooshin ha laga keeno Ra/iswasaare aan shaqadisa aad kala wareegtay iyo mid shaqadiisa heesta,soo foolxumo mara ka dhac kuuma ah wax aad sameen ,cid kasta gaal iyo muslin baa u jeeda in aad qaldantahay,shalay adiga iyo Re/iswasaaraha waad is wadaten,oo maalinti xamar la keenaayey sidii aad u walwaaleeyseen waa la oggaa maantay markuu ku yiri shaqadeeyda ii dhaaf maad mooshin ka keeni,wax kasta waxaad fiirisaa J/L madaxweyne dalka iyo daka aad ku dharatay in aad u shaqeeyso ,ha fiirin saxiibka oo la badeley waxaa ka weeyn tan dalka iyo daka. wax kasta waxaa loo baahan yahay in samir iyo dulqaad uu yeeshaa ninka uula amarka ah,saa ilaaheey baa ku saaray arrin aad u weyn oo dhibbadan,hadda wax aad sameeysay ma kula fiicantahay,fiiri arrinti arimihi new deallooga hadlelaahaa oo ka dhici la haa copenhegan in hakad uu galay sababtana eey tahay khilaafka dawaldda ,dad xoola ah oo aan ogeen dantooda iyo tan dalkooda iyo dadkooda oo majaxaabinaayo,arrimah loowaddo dalka ,ciib intaas baa idin ku filan ee isu tanaasula,oo aniga oo ah hooyo soomaaliyeed oo markasta u dhega duleela soomaaliya,waxaan jaclaan la haa in j/le madaxweyne hadda aad ka noqoted wixii aad sameeysay ,oo ahaa dawladda aad madax usu gelisay,maantay tan taal saacid ma oolin ,dawladda c/weli adiga ayaa afkaaga ka tiri wax badan beey qabteen,adiga oo oo keliya intaad meel fariisato feker oo cid ha la tashan waxi fiican qaado wixi xuna ka tag dadka dibbadda jooga iyo kuwa gudaha ku jira kuli waxaa afka lagu hayaa in mooshinkaan uu yahay mid qalad ah ,adiga oo mooshin ku cararin ,maxaa kuu diidey in aad wadda hadashaan oo wax isla meel dhigtaan saa shalay adiga ayaakeentay. waxaa la yiri laba la isku xantooy ha isku xaarina. adiga xali oo tanaasul, fiiri fadexadi denmarka aad u aaday oo lagu soo qaaday khilaafki,ceebta kaaga weyn madaxweynow maxeey tahay ,caqli isbid oo daji dalka . awalba dal iyo dad wax looguma qabaneeynin wax kast oo la soo yabooho ee ilaaheey xaqa ha idin tusso masuuliyiinta dalkoow.

Comments are closed.