Dowlada Ingiriiska oo Warsaxaafadeed Kasoo Saartey Qilaafka U Dhexeeya Madaxda Xukumada Federalka

1
20

uk flagWar-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain iyo barwaaqa sooranka ayaa si cad loogu sheegay in Britain ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Somalia ka jirta,wuxuuna ku booriyeey dhinacyada uu u dhexeeyo khilaafka inay xalliyaan khilaafka ku xalliyaan hab siyaasadeed.

Sidoo kale, warkan ayaa lagu sheegay in Britain ay arrimaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya uu walaac kasoo wajahay, kaddib markii mooshinka kalsoonida loogala laabanayo ra’iisul wasaaraha la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Britain ayaa ugu dambeyn warkeeda ku sheegtay in Ingiriisku uu garab-taagan yahay hormarka Somalia iyo madax-banaanideeda, ayna ku talinayaan in khilaafka si dhaqso ah lagu xalliyo.

Hadalka kasoo baxay dowladda Britian ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ay warbixin tan la mid ah soo saartay dowladda Mareykanka, taasoo ay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan xilligan.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. j/le madaxweyne nin saaxiibka oo la bedeley in dante,dalka eey u burburto ma xaq baa? waa maya, marka dadka iyo dalka fiiri oo sumacadda waa qaali soo cesho . oo shalay qosolki iyo sidii aad wax u wadday wax ka bedel madaxweyne soomaaliyeed noqo ha noqon madaxweyne beel aniga oo hooyo soomaaliyeed ah waxaan qabaa in aad wax kasta aad sameeyn karto oo wadankana aad dajin karto isticmaal caqligaag dad ha la tashan. soomaali oo idl baa ku fiirin aniga waxaan ka hadlay waxaa ka badan dadka kale wax eey qabaan oo qurbaha jooga,cid kast wax ka muhiimsan wax wanaag ah oo aad adiga ku dhaqaqdo oo aad isbedeli naftada ku sameeyso ,wallaahi waxaan kuula hadlayaa sidi ninkasta oo wax garad ah uu kuula hadli la haa..

Comments are closed.