Dhegayso…Shirkii Garbahaarey oo isku bedelay Shir Siyaasadeed iyo Maamulka Gobolka Gedo oo ka soo horjeestay Shirkaasi(Wareysi)

0
57
shirka g
Shir dhowaan ka furmay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo,iyadoo markii horena ujaadada shirkaasi lagu sheegay midnimada Beesha SADE ayaa hadda warar la xaqiijiyey waxay sheegayaan in shirka uu isu bedelay Shir Siyaasadeed,kaasi oo la doonayo in Gobolka looga abuuro deganaansho la,aan iyo khal khal siysaadeed.
Xubno Siyaasiyiin ah oo in mudo ah ku sugan Garbahaarey ayaa ugu dambeentii waxay la soo baxeen Ajendooyin u qarsoonaa oo la xariira dhinaca Siyaasada iyo u hanqaltaagida Maamul Goboleed uu yeesho Gobolka Gedo oo qura,taasi oo ka yaabisey Ergooyinkii ka qeyb galayey Shirka.
Hadaba si aan fah faahin dheeri ah u helno ayaa waxaa inoo suuro gashey inaan Wareysi la yeelano Mid ka mid ah Salaadiinta Gobolka Gedo ee ka qeybgalaya Shirka Garbaharey,kaasi oo ka gaabsadey in magaciisa la sheego,waxuuna sheegay in shirkii Midnimo one uu bur burey,islamarkaana waxii hadda ka dambeeya shirkaasi uu isku bedelay shir siyaasadeed.
Maamulka Gobolka Gedo iyo Odoyaasha dhaqanka Gobolka ayuu sheegay shir ay shaley galab ku yeesheen Magaalada Garbahaarey in ay isku raaceen in la xiro shirka.
Su ,aasha ugu horeysa ee aan weydiiyey Suldaanka ayaa ahayd inuu faahfaahin iga siiyo Ujeedada shirka Garbahaarey iyo waxa looga go leeyahay?Mid ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Beesha SADE oo ka qeyb galay shirka Garbahaarey