Dhegayso..Gudiga Gurmadka Abaaraha Ceelwaaq oo ka deyriyey Xaaladaha Abaareed ee ka taagan degmadaasi iyo deegaanada hoos yimaada

0
29
abaaraha
Iyadoo abaaro daran ay ka jiraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa gudiga gurmadka abaaraha degmada Ceelwaaq markii ugu horeysay waxay ka warbixiyeen inta ay gaarsiisan tahay baaxada abaarta ka jirta deegaanada hoos taga Ceelwaaq oo ka mid ah Deegaanada ugu daran ee gobolka Gedo.
Faarax Macalin Bishaar oo Gudoomiyaha gudiga gurmadka Abaaraha Degmada Ceelwaaq  oo la hadlayey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay in saameynta abaartu ay tahay mid balaaran,islamarkaana dadka iyo duunyada ay u dhamaanayaan haraad iyo gaajo sal u ah abaarta ka jirta Koonfurta iyo bartamaha Soomaaiya.
Wuxuu sheegay gudoomiyaha inay soo gaarayaan maalinba maalinta ka danbeysa dhibaatooyinka ay bulshada ku reebayaan abaarta,isagoona tilmaamay in abaartu sababtay in cuduro ay ka dilaacaan deegaanada qaar kuwaasi oo inta badan saameyn ku yeeshay carruurta yar yar iyo dadka da’da ah oo difaaca jirkooda aan awood badan lahayn.
“ilaa iyo hadda guduga Gurmadka waxay deeqo lacageed ay ka soo gaareen Jaaliyadaha soomalida ee degan dalalka Norwey iyo Dalka Biljimka waxay na soo gaarsiiyeen Lacago aan ku bilowney Gurmadka Biyo dhaaminta,haddii lacagtaasi aanan la helin xaalada sidan wey ka sii dari lahayd,abaartuba way ka sii dareysaa,waxaana cabsi ka qabnaa hddii aanan la helin Gurmad Bini,aadinimo in xaalku uu ka sii dari doono  oo dad badan ay u dhina doonaan Oon iyo Gaajo sidaasi waxaa yiri Faarax Macalin Bishaar oo ah Gudoomiyaha Gurmadka Abaaraha Ceelwaaq.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha gurmadka abaaraha degmada Ceelwaaq  ayaa ugu baaqay Dowlada dhexe,Hay,adaha Samafalka,Ganacsatada iyo Jaaliyadaha dibada ee Soomaalida inay sida ugu dhaqsiyaha u soo gurmadaan dadka la daala dhacaya abaarta,islamarkaana gacan ka geystaan sidii dadkaasi loo samata bixin lahaa.
Si kastaba ha ahaatee Abaarta ka jirta dalka ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan dadka iyo duunyada,waxaana dadka qaarkii bilaabeen inay barakacaan iyagoo nolol raadinaya.Gudiga Gurmadka Abaaraha Ceelwaaq oo ka deyriyey Xaalada Abaarta iyo Biyo la,aanta