Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wakiilka Gaarka Ah Ee Midowga Africa u Qaabilsan Somaliya

0
22

xasanMadaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Maman Sidikou.

Madaxweynaha iyo Danjire Maman Sidikou waxay ka wada hadleen arrimaha ammaanka iyo dar dargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo uu kulankaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda oo kulanka kaddib si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay qodobada ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay, waxaana ugu horeyn la hadlay Warbahinta Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibedda iyo dhiirigelinta maalgeshiga ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

waxa uu sheegay in Safiirka Midowga Afrika u joogaya Soomaaliya uu badalayaa safiirkii hore ee Annadif waxa uuna Xusay in shalay uu soo gaaray Magaalada Muqdisho Maantana uu la kulmay Madaxweynaha.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada ayaa tilmamay in ay ka wada hadleen amniga, howlgalada ka socda Gobolada Dalka iyo sidii Guud ahaan Dalka loogu saari lahaa Ururka Al-Shabaab.

 
Daafeet.com