Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Kormeer Ku Tegey Kontaroolka Laga Soo Galo Magalada Muqdisho Dhinaca Afgooye

0
29

banadirMas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku sameeyay koontaroollada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacag xad-dhaaf ah laga qaado gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya ama ka baxaya magaalada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Maxamuud Faarax ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan lacagta sharci-darrada ah ee gaadiidka xamuulka ah looga qaado koontaroollada Muqdisho.

Cali Maxamuud Faarax ayaa xusay in ay soo kormeereen koontaroollada Galgalato iyo Ex-Koontarool Afgooye, halkaasi oo uu sheegay in gaadiidka ay lacag xad dhaaf ah uga qaaddo wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wadayaasha gaadiidka xamuulka ah qaarkood ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu maamulka gobolka Baandir wax uga qabanayo lacagta badan ee looga qaado baraha laga soo galo caasimadda.

 
Daafeet.Com