U Gargaar Gabadhan Yar ee la Xanuunsan Qeybta Kaadi Mareenka(Sawiro iyo Cod)

1
52
 CAM00180
Cimraan Saalax Cabdulaahi waa Gabar yar oo jirta ilaa 2 bilood,waxayna ku dhalatey Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxayna in mudo ah la liidataa xanuun soo wajahey qeybta kaadi mareenka oo xiran.
Xanuunkan oo ah mid ay ku dhalatey Gabadha yar ayey Dhaqaatiirta Muqdisho oo loo geeyey todobaad ka hor waxay sheegeen ibaysan waxba ka qaban karin xanuunka hayo gabadhan,waxayna sheegeen inay u baahan tahay Qaliin Caafimaad oo dalka dibadiisa ah.
Saalax Cabdulaahi(Ilkacase) oo ah Aabaha dhaley Gabadhan oo iminka ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada Caafimaad ee gabadhiisa ee dalka wax looga qaban waayey,maadama qeybta Kaadi mareenka ay banaanka taalo.
“Dhaqaatiirta Muqdisho waxay ii sheegeen gabadhan yar in ay u baahan tahay 3jeer oo Qaliin ah oo dalka dibadiisa ah,waxayna ii sheegeen kharashaadka ku bixi kara inay gaareyso ilaa 20kun oo Dolar,mana awoodi lacagtaasi,waxuuna ugu dambeen ka codsadanayaa dadka muslimka meel kasta oo ay joogaan,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed in ay ii gargaaraan sidii sidii wax looga qaban lahaa Gabadha iga xanuunsan sidaasi waxaa yiri Ilkacase oo ah Aabaha Gabadha Xanuunsan.
Hoos ka dhageyso  Wareysiga Aabaha Dhaley Gabadha Saalax Cabdulaahi (Ilkacase)Wareysi Aabaha dhaley Gabadha Xanuunsan
FG:Waxii  Faah-Faahin dheeri ah kala xariir  Telefonka Aabaha Saalax Cabdulaahi(Ilkacase) oo ah 0025261-8565555 ama 0025261-5894854 iyo gabadha Hoyadeed oo ah Faadumo Maxamed Xasan ,Telefon lambar 0025261-7300073 ama Emailkan:kulac2002@hotmail.com
Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo

1 COMMENT

  1. Asc ilaahow jirkeena ceebtiisa hana tusin. Amiin walaal aabaha gabdha dhaley hala soo xiriiro SOMECARE Abdiaziiz Muse Maahaay waa organization dad sidan oo kale udhibaateysan waawiya P O Box 8383 Rochester, MN55903 Telefoon 507 990 9445 E-mail somecate@somecare.org. iyo UNka xeryaha qaxootiga halasoo aado hadeyna dowlada Torkiga iyo AMISOM waxba uqaban karin.

Comments are closed.