Mr Kay oo Dowlada Ugu Baaqey Inay Dedejiso Dhismaha Gudiga Doorashooyinka Iyo Xuduudaha

0
38

kayErgayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa dowlada federlka ku boorriyay in la dadajiyo dhismaha guddiga doorashooyinka Qaranka iyo guddiga diyaarinta xuduudaha iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Danjire Kay ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in siyaasadda Soomaaliya laga gaaray horumar muuqda, isagoo sheegay in howlaha harsan looga baahan yahay hay’adaha dowladda inay si dhaqso ah ku qabtaan, si ujeeddada loo gaaro.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya ansixinta sharciyada muhiim ah haddii la meel-marin waayana aysan rumoobi doonin riyada ku aaddan inay Somalia hesho dastuur cusub oo hormuud u noqda doorashooyin dalka ka dhaca sannadka 2016-ka.

Hadalka ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Kay ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Daafeet.Com