Dowlada Kenya oo Ka Codsatey Qaramada Midoobey Dib u Celinta Qaxootiga Somaliyeed

0
28

kenyanXoghayaha Wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya Joseph ole Lenku oo ka hadlayay Shirka Qaramada Midoobay ee arimaha Qaxootiga oo ka furmay magaalada Geneva ee xarunta ee dalka Swizerland ayaa sheegay in Kenya marnaba gor gortan aysan ka galeyn amaankeeda,islamarkaana ay ka hortagayaan wax waliba oo dhibaato ku ah.

Mr Lenku ayaa sidoo kale,wuxuu la kulmay Wasiir ku-xigeenka arimaha dibada iyo maalgashiga caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Buri Mohamed Hamza oo isagana qeyb ka ah mas’uuliyiinta Shirka EXCOM ka qeyb galaya.

Kulankaan ay yeelanayaan Golaha Fulinta ee Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNHCR,ahna 65-aad ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saarayaa Xaalada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Caalamka.

Wasiir Buri Mohamed Hamza,ayaa Kenya kaga mahad celiyay qaabka wanaagsan ay u soo dhaweyeen Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda maciin biday markii Somalia Colaada ka dhacday,isagoona sheegay in Dowlada Somaliya kala shaqeyn doonto Kenya sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska ku aadan dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Xoghayaha Wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya Joseph ole Lenku, ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inay ka fogaadaan taageerada ay Qaxootiga Somalida ku siinayaan gudaha Kenya,dadaalna ku bixiyaan sidii Qaxootiga dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

Daafeet.Com