Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya .

0
102

20140929_092327Mogadishu, September 30 , 2014- Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsan Soomaaliya ambassador Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga  labada dal u dhaxeeya .

Wasiir Mahad Salad ayaa ugu hambalyeeyay danjire Olgan xilka cusub ee loo soo magacaabay , isagoo u rajeeyay xil gudasho ammaan mudan , waxa uu sidoo kale bogaadiyay mashaariicda horumarinta ah ee dowladda Turkey ay ka fulineyso Soomaaliya.

Danjire Olgan Bekar ayaa dhankiisa balan-qaaday inuu sare u qaadi doono heerka iskaashiga dhinacyada badan leh ee dowladiisa kala dhaxeeya Soomaaliya , isagoo tilmaamay horumarka nabad-gelyo iyo hanaanka dowlad wanaaga  ay ku talaabsatay xilligan Soomaaliya.

Kulankani oo lagu falan-qeeyay arrimo badan oo la xiriira danaha wadaagga ah ayaa ku idlaaday jawi guul ah .

 

 

Daafeet.Com