Maamulka Alshabab ee Degmada Baraawe oo Afar Ruux Ku Toogtey Meel Fagaaro Ah.

0
32

alshababWararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab Fagaare ku yaala Baraawe ay ku Toogteen Afar Ruux oo Rag ahaa islamarkana ay sheegeen in ay ahaayeen Basaasiin Xogta ka gudbinayay Al-shabaab.

Afarta Ruux ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa 1-Mahad Xasan Ciise oo da’diisu aheyd 26 Sano jir ,2-Xasan Xaaji Aawow oo da’diisu aheyd 27 sana jir,3-Iidle Max’med Xasan oo 18 sana jir ahaa iyo Axmed Max’med Aadam.

Gugoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose Max’med Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Dadkaan ay gudbin jireen Wararka Al-shabaab oo Dowladda iyo Reer Galbeedka ay siinayeen islamarkaana ugu danbeyn Galabta la Toogtay.

Ma aha markii ugu horeysey ee ay Alshabab dad ay kaga shakiyeen basaasnimo ku toogtaan degmada baraawe.

 
Daafeet.Com