Shirkii maamul usamaynta sedexda gobol oo burburay.

4
66

crdWararka ka imaanaya magaalada Baydhaba gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in shirkii maamul u samaynta sedexda gobol uu gebi ahaanba burburay ka dib kolkii hool shirka ay isugu soo hareen oo kaliya qaar ka mid ah kooxdii muqdisho ka timid ee soo qaatay qandaraaska dadka iyo dalka KoonfurGalbeed lagu kala qobqobayo.

Kooxdan oo maalmihii lasoo dhaafay la daalaa dhacayay kacdoonka shacabka KoonfurGalbeed ayaa dhanka kale waxaa ugu soo biiray balanqaad dhaqaale oo uu Gudoomiye Jawaari u sameeyay oo aan ilaa maanta soo gaarin.
Hadaba si ay u daboolaan burburka shirkoodii mala awaalka ahaa misna ay isaga qariyaan indhaha shacabka KoonfurGalbeed ayaa waxay maanta ku dhawaaqeen inuu shirkii maamul u samaynta sedexda gobol uu isu bedelay Siminaar waxa loogu yeero gudiga farsamada maamul u samaynta gobolada sedexda ah lagu bari doono qaabka beesha Hawiye ay u doonayso in sedexda gobol ay usoo dhisaan.

Talaabadan ay maanta ku dhaqaaqeen kooxda Wasiir Khaalid uu horkacayo ayaa waxa ay beesha Hawiye usoo wakiilatay Agaasimaha Hay’adaha CRD Jibriil Cabdulle Ibraahim oo ay Madaxweyne Xasan Sheekh isku jilib hoose yihiin taasi oo si maqaar saar ah iyaduna gobolka ugu soo wakiilatay Caadaqaate Cabdullaahi Xaaji Xasan (Manuur) oo u bareeray inuu shacabkiisa uu beesha Hawiye qandaraas uga soo qaato burburintiisa.

Si kasta oo loo dhigaba waxaa hubanti ah in shacabka KoonfurGalbeed uu maanta u diyaarsan yahay inuu Abaalmariyo ruuxii galadaysta sidoo kalena uu ciqaabi doono ruuxii maanta ku dhiirada dhibkiisa.

4 COMMENTS

  1. Cado qato kaste tariqdana baal madow ayuu ka galaya Baydhaba janayna waxba Shacbkeda lagama qadayo qof kasta in dhaqsi la barto wey ficantahay intuu asago sumeysan kugu dhex jiri la’haa. DM waqtigi la kala bixi la’haa ayeey marowhayaan Insha Allah gusha mar kasta waxa ay uu hareysay kuwa danta dadkoda iyo deganadooda ka taliya . Daneystayaal oo CASAGODA ku shaqeystaan Kofur Galbeed waxba kama qadayaan.Ninkan Khalid la dhahayo gurigi uu ku dhashtey ayaa niman asgisa haystaan Awood uu ku dhaxo igaga baha ama uba ku hadlo ma qabo. Dadka awoda leh always waxa ay ku shaqeystaan kuwa DACIFKA ah kuwasina reer Baydhaba ayaa shaqo ka qabanayaa ileen Baydhaba Fidno iyo Dab lo so dhibey ayeey wadan ayagase ku gubanayaan Insha Allah.

  2. waa wax lafilaayeey ta xamar kaga horaysaana ka daran waxaaa ku qosqoslui doona axmed diiriye maxaa yeelay waa rag lacag dhaafsaday dakooda

  3. Miney miney in duntooy ayuu ahaa markii horeba 5ta qof ee dhabarka laga sawirey oo wajigooda la qarinaayo deegaankaba ma ahan ee waa dad meel kale laga keeney. kkkkkk

  4. waxaan la yaabahanay aniga nin ka la yirahdo cabdulahi xaaji xasanow manuur oo ka dhashey qoys aad u sharaf badan isagoo qurba joog aha shacaabka koonfur galbeed ay ka sugayeen in uu ugu hiiliyo aqoontiisa sharif sakin aa hal mar wasiir ka dhigey wuxuuba u soo jeestey in sakiin uu kabaha u qaado waa wax lala yaabo muxuu gabaya been ah iyo geraar aan jirin noo aqriyey ileen wuxuu noo sheegi jiray isaga ayaa ah daciif dabadhilif gabaygiisi (ali maa ey in moqin ) markaan soo xasuusto dib ayaan isula hadlaa

Comments are closed.