Raysulwasare Cabdi weli oo Kol Dhaweyd Gaarey Magalada baydhabo

3
33

cabdi weli shRaysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si uu uga qeyb-galo shirka dib u heshiisiinta ee loo qabanayo beelaha dega gobollada Koonfur-galbeed.

Waxaa raysul wasaare Cabdiweli ku wehliya safarkiisa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo dadweyne.

Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan munaasabadda lagu furayo shirka oo socon doona muddo 45 cisho ah.

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. Hasbunullahi waa nicmatul Wakiil .Allahayow Cado qatayaal ha naga dhigin Amin Allahayow yaney asagena ka Cabsan yane sharaftena ku ibsan Amin, Allahayow yaney Sharftena iyo jiritankena yaney Dollar sisan, Amin
    “ALLAHUMA INNAA NAJCALUKA FII NUXUURIHIM WAA NACUUDU BIKA MIN SHURUURIHIM “AMININNNNNNNNNNNNNNNNN

  2. WALLEE SOMALIDU INEY TAHAY UMMAD KU CAASIDEY NICMADII ILAAHEEY KU MANNEYSTEY,KUNA XAD-GUDUBTEY XUDUUDII ILAAHEEY U DHIGEY WAXAA KUU CADEYNESO IN CABDI WELI OO KLAE HOGAAN U NOQDO.

    CABDI WELI OO KU SOO BAR BAAREY XAARAAN IYO DULMI QABIILEED, WUXUU KA DHACEY SOMALIA MALAAYIIN DOLLAR WAQTIYADII UU MADAXA KA AHAA HA’ADDA NAAXINTA IYO IIBGEYNTA XOOLAHA SOMALIA OO LOO ABUUREY DARTIISA SI UU UGA DHACO HANTIDII QARANKA.

    ISAGOO DEMBIYADAAS AAN WELI LAGULA XISAABTAMIN AYAA HADDANA TUUGO KALE OO ASXAABTIISA AH U SOO MAGACAAWATEY JAGADA R/WARAASAHA SOMALIA OO RUNTII UU KA KASBADEY GEESINMO MAR HADDII DEMBIYADII HOREBA AAN LOO HAYSANIN, HADDANA UU SIDAAS KU SII WADO XATOOYADII, QABIILKII IYO MUSUQ MAASUQII HOREY LOOGU SOO BAR BAARIYEY. WAANA NASIIB DARRO.

Comments are closed.