Shariif Sakiin oo beri kusoo fool leh Baydhaba

4
31

sakiinWarar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka kala helayno magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxay ku waramayaan in maalin-nimada beri oo Arbaca ah magaalada Baydhabo uu ku soo fool leeyahay Dhaqarqabe Shariif Xasan Sheekh aadan(Shariif Sakiin).

Shariif Sakiin ayaa waxa lagu soo waramayaa inuu maanta khadka Telefoonka uu kula soo xiriiray Khaalid Cumar Cali oo hormuud u ah koox qaswadayaal ah oo ku sugan Baydhabo una sheegay inuu beri imaandoono magaalada Baydhabo ay galaan diyaar garow ku aadan soo dhoweyntiis.

Khaalid Cumar Cali oo haatan ka mid ah wafdiga wadahadalada ku wehliya Jawaari ayaa waxa uu Jawaari ku wargeliyay imaanshiyaha Shariif Sakiin taasi oo uu Jawaari ka biyo diiday isla markaana uu khadka Telefoonka kula hadlay Ra’isulwasaare CabdiWeli Sheekh Axmed una sheegay in inta uu joogo Baydhabo aanu iman karin Shariif Sakiin.

Dhanka kale Shacabka Baydhabo oo horkacayo maamulka KoonfurGalbeed ayaa waxay diyaar garaw adag ugu jiraan samaynta Banaanbaxyo lagu diidan yahay imaatinka Shariif Sakiin ee magaalada Baydhabo.

 

Daafeet.com

4 COMMENTS

  1. Dad Illaahey karaamada kaqaadey xishoodna aan lahayn war Shariifka haduu imaado dabadaa qori halaga geliyo war aaway ragii dhiiga lahaa oo udulqaadan jirin waxaan ookale . Asharaaf ma ahan D iyo M maxaa intaan jaanis loosiiyey. Anow anii gaali iwaayti

  2. WAXAAN KU RAACSANAHEY SIIDI DABADA QORI HA LAGA GELIYO GACAN ADAG HA LAGA HORGEEYO NASAHO HA LOO DIIDO AHLU NAARKA

  3. shalay waa kii Dilay mad keer maantana in dadkale Laayo ayuu Rabaa waana cadahay lakin waxaa is weydiin mudan shariif sakiin maxay dhaamaan kuwa xada joga oo ka midka ah jawaari khalid iyo ibrahin yerow oo shaliin kaliya loo Takooray aniga waxan qabaa kuwan dhamaan tooda waa wada dhaqar qabayaal oo isku mowqif ah ee mowqif mideysan Halaga Qaato oo Halmeel Halooga soo wada Jesto

Comments are closed.