Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada Federalka oo La Wareegey gacan ku Heynta Degmada Tiyeegloow

0
30

amisomCiidamada dawladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa Al-shabaab ka qabsaday degmada Tiyeegloow ee gobolk Bakool iyo tuulooyin ku dhow sida uu sheegay mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Xuddur, Maxamed Macallim ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada isbahaysanaya ay degmada iyo magaalooyin kale oo ka ku dhow ay qabsadeen iyagoo aan wax dagaal ah kala kulmin Al-shabaab, isagoo sheegay inay deegaannadaas ka baxeen markii ciidanku ay ku dhawaadeen.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay kuwo ay ku doonayaan inay gobolka oo dhan kaga saaraan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox dhibaatooyin iyo dagaallo kawadda gobolka.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qabsashada degmada Tiyeegloow iyo kuwo ku dhow oo ay kala wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli madaxda dowladdu ay sheegeen inay dhawaan ka billaaban doonaan dalka howlgallo lagu soo afjarayo Al-shabaab.

 
Daafeet.Com