Xasan Xanafi oo Boliiska Keynya U Qirtey Inuu Yahay Ninkii La Raadinaayey

0
32

xasan xanafiMuwaadin Soomaaliyeed oo ay ciidamada sir-doonka Kenya qabteen horraantii bishan ayaa markii ugu horreysay qirtay inuu yahay Xasan Xanafi oo ah ninkii la raadinayay ee mas’uulka ka ahaa dilalka tiro wariyeyaal Soomaaliyeed ah, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal Kenyan ah shalay oo Jimco ahayd.

Ninkan ayaa tan iyo markii la xiray diiddanaa inuu yahay Xasan Xanafi, balse uu shalay oo Jimco ahayd sheegay inuu yahay ruuxa la doon-doonayo, uuna magaciisa saxda ah yahay, Yuusuf Xasan Cabdilsalaan Yuusuf.

Sarkaalkan booliiska Kenya ka tirsan oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan kala hadlo warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qorsheynayso inay Xasan Xanafi gacanta u geliso dowladda Soomaaliya oo codsatay soo wareejintiisa si ay maxkamad u horkeento.

Sidoo kale, Xanafi ayaa qirtay inuu warqadaha aqoonsiga Kenya ku helay si hoose, isagoo xusay in tan iyo 14-kii bishii Maarso ee sannadkan uu Kenya ku sugnaa, si uu isaga daweeyo dhaawac kasoo gaaray duqeyn diyaaradeed oo dalka Soomaaliya ka dhacday sannadkii 2011-kii.

Booliiska Kenya aya sidoo kale sheegay in Xanafi uu sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilalka wariyeyaal dhowr ah iyo dad kale oo shacab ah, ayna taasi tahay tan loo doon-doonayo.

 
Daafeet.Com