Baarlamaanka oo soo Dhaweeyey Xakameynta Hubka Culus

1
33

barlamanka-cusubGuddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya oo 17-kii bishan ka dhageystay xukuumadda Soomaaliya warbixin ku saabsan howl-gallada xakameynta hubka iyo siyaasadda ay u dejisay, uuna goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, ayuu guddigu warbixin kasoo saaray maanta qorshaha xakameynta hubka sharci-darrada ah.

Kulan gaar ah oo uu guddigu yeeshay shalay ayay si aad ah ugu falanqeeyeen warbixinta xukuumadda Somalia, ayay mabda’ ahaan u ayideen in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu golaha baarlmaanku u xilsaartay xukuumadda.

Guddigu ayaa sheegay in xukuumaddu ay awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo qodobka 99-aad ee dastuurka Soomaaliya faqradiisa F. iyadoo guddigu hoosta ka xariiqay waajibka saaran xukuumadda iyo amniga shacabka sida uu qabo qodobka 126-aad faqraddiisa koowaad oo oranaya.

Sidoo kale, gudigu wuxuu soo jeediyay in xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga, iyadoo xaqiijinaysa sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha – si waafaqsan faritaanka dastuurka ee qeexaya inay hay’adaha rayidka ah kormeeraan hay’adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo qodobka 126-aad ee dastuurka dalka faqraddiisa lixaad.

Guddiga wuxuu xusay inuu xukuumadda xusuusinayo in dastuurka dalka si adag u xaqiijiyay xurmada guryaha, iyadoo uu si cad ugu qeexayo qodobka 19-aad ee dastuurka faqraddiisa koowaad oo oranaya.

Warbixint ayaa lagu sheegay in guddigu u soo jeedinayaa xukuumadda inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasaddeeda xakameynta hubka iyadoo u maraysa dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Allah karim afkeyga furan ayeey uu hadlayan gobolada qarkoda iska dhaafe inaad Xubka ka dhigtaan hadalkina hata kama socdo sida Puntland, Mamulka Jubba Qatumo State, marka waxad iska dhahdiin intaan ka cadgnahay aan Xubka ka dhigeyna ileen Shekadu waa sidase.

Comments are closed.