Ciidamada Amaanka oo Maanta gacanta Ku Dhigey Hub Fara Badan

1
50

ciidanka-300x199Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta gacanta kusoo dhigay hub lagu qarinaye Garaashka Cismaan Caato, kaasi oo ku yaala Xaafada Saybiyaano ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqey inay gacanta kusoo dhigeen hub badan oo lagu soo qabtay howgal culus oo ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saaka ka sameeyeen Xaafada Saybiyaano ee Degmada Hodan.

Afhayeenka Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble, oo Shirjaraa’id qabtay ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen hub lagu qariye Garaashka Cismaan Caato oo kamid ahaan jiray Hogaamiye Kooxeedyadii dalka ka jiri jiray.

Howlgalka intii ay ciidamada kuguda jireen ayeey galeen Garaash weyn oo uu leeyahay Cismaan Caato, kaasi oo ku yaala Xaafada Saybiyaano, waxaana ciidamada u suuragashay inay gacanta kusoo dhigaan hubkii Garaashka lagu qarinaaye.

 
Daafeet.Com

 

1 COMMENT

  1. Waa arinwanaagsan ee u baahan in lajoogteeyo aysan noqonin in maalmo uun lawado ee aan laga fariisanin, waxaa kaloo loo bahan yahay in ay ku dhisnaato barnaamij leh isteraajiyad qeexan oo leh wejiyo dhowr ah si loo ogaado amaanka muqdisho cida qasayasaa, hadda waxaa laga yaaba hubkaan laqabtay in uu layahay qof mgac ku leh dalka , markaa waa in la baara cidda iska leh hubkaan intaa la’eg, aysan noqonin oo keliya hubaan qabanay .

Comments are closed.