Xildhibaanad Saado Cali warsame Oo Maanta Lagu Toogtey Wadada Maka Al Mukarama

3
97

Saado-cali-WarsameAllaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo ruux la socday, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.

Dableyda dilka geystay ayaa markiiba goobta ka baxsaday iyadoo ay haatan halka uu dilku ka dhacay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka Saado Cali Warsme, waxaana horay dilalka loo geysto xildhibaannada u sheegan jirtay Al-shabaab. iyadoo xildhibaannadu ay afar ku noqonayso xildhibaannadii sannadkan lagu dilay Muqdisho.

 
Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. Hadaa nahay beelweynta daarod.dilka saado cali warsame waxa ka dambeya dagaal oogayaasha axmed diiriye iyo xaad.maalmihi ugu dambeye xildhibaanad waxa hanjabaado badan ay kala kulmeysi kooxda axmed diiriye.ayago ku heysta HEESTA SHABEELE MAXA KU LU MAY ay dadka shabeelaha hoose u qaaday.kana dhiidhisay Duulanka Qaaban ee ay kooxdaas axmed diiriye kawadaan gobolka lkn way iska cadahay dilka loo geesti marxuumad saado lkn hadaa nahay reer Khaatumo Dad badan ayaa u maqnaan doona.waana leesla joogta

  2. Allah ha u naxariisto, Saado Cali Warsame, sababta loo qaarajey waa kiyaar; heesta Shabbeele maxaa ku dhumay.

  3. To doqonka magaca umada soomaaliyeed ee daarood watoow illaahay utoobadkeen saado cali waa halyeey qaran oo ka dhimatay soomaali oo dhan kama dhiman daarood ok dadka aadleedahay ayagaa ka danbeeyayna haku danbaabin waa anigoo hada dhahay wixii hawiye oo dhintay ama laqarxiyay waxaa kadanbeeyay daarood waa igu danbi umad islaam ahna lama nabsado marka is qabooji sida aad uga xuntahay saado cali waan kula qeebsaneenaa ayada iyo darawalkeeda iyo dhamaan umada ladilay oo dhan.hawiyana waa kuwa maalin walba wadanka lagu dilaayo marka dadka cadowga umada soomaaliyeed ha isku dhiibin meel dheer wax kafiiri ok igana raali ohoow hadaan kuu gafay.

Comments are closed.