Xukuumada Talyaaniga oo Dalbatey in Laga Caawiyo Qaxootiga Kusoo Qulqulaaya Xeebaheeda

0
102

italyCiidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay sii kordheen dadka doonaya inay dhanka biyaha ka galaan dalkaasi, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay oo hawada ay xumeyd ay sababtay in ku dhawad 20 ruux ay dhintaan.

Sidoo kale ciidamada badda ee jazeerada Maltaayaa ka dalbaday ciidamada talyaaniga iyo wadamada midowga Yurub inay arintaasi ka gacan weyn ka geystaan, maadaama dadka tahriibayaasha ay sii kordhayaan.

Seddexdii sano ee lasoo dhaafay ciidamada talyaaniga ayaa badbaadiyay inka badan 4,000 oo tahriibayaal ah, iyadoo shalay labadbaadiyay tahriibayaal u kala dhashay dalalka Masar, Eritrea,Ghana, Somalia iyo Syria.

Wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga Angelino Alfano ayaa bilaabay inuu wadahadalo la galo gudoomiyaha arimaha gudaha ee midowga Yurub Cecilia Malmström, iyagoo ka wadahadlay suurtagalnimada sidii midowga yurub uu door weyn kaga qaadan lahaa arintaasi.

Hayadaha xuquuqda aadanaha ayaa Talyaaniga ka dalbaday inay soo dhaweeyaan dadka magangalyo doonka ah ayna ku eegan biyaha qatarta ah ee ay ku safrayaan.

 

Daafeet.Com