Xukuumada Fadhigeedu Yahay Muqdisho Oo Xaley Ku Dhawaaqdey Gudi Ey Sheegeen Inuu yahay Gudiga Farsamada Ee Maamulka Gacan Ku Rimiska

14
42

xasan shMadaxda Dowlada federalka ee fadhigeedu yahay magalada muqdisho ayaa xaley ku dhawaaqay wax ay ku sheegeen guddi farsamo oo soo dhisaya Maamul ku sheega Gacan ku rimiska ah ee Gobolada Bakool, Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda federalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulanka caawa ka dhacay Madaxtooyada Muqdisho ka akhriyay magacyada gudigga oo ka kooban 18 xubnood iyo saddex xubin oo ay Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed ku darsatay, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 21 xubin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Muqdisho Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in arrintan ay gacan weyn ka geysteen Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlaamaaanka.

Talaabadan ey xukuumada qaadaey ayaad waxaad moodaa mid burineysa hishiiskii ey sameeyeen taariikhdu markey eheyd 23 bishii juun 2014 heshiiskaas oo sheegayey in lasoo dhiso gudi farsamo oo ka kooban 13 xubnood taasoo lagu bedeley 18 xubnood.

Isla hishiiskaasi ayaa sheegayey in mudo 10 casho gudahood lasu soo dhiso gudiga farsamada balse ma eysan dhicin ayadoo wax ogolaasho ah laga waayey dowlada koonfur galbeed somaliya ee uu madaxweynaha u yahay mudane madoobe nuunow maxamed.

Si kastaba arintu ha ahaate waxan ey maleegayaan xukuumada ayaa waxaa moodaa mid meel marey hishiisyadii dhabta ahaa ee looga fadhiyey xukuumada in ey sameyso.
Waxaa jirta maah maah somaaliyeed oo oroneysa gurbaankii la xado meel lagu yeeriyaa la rabaa maadama gudiga la sameeyey wexeynu dhowrnaba waa halkan ey fariisan doonaan iyo sida ey howshooda u qabsan doonaan.

Halka Hoose Ka Akhriso Magacyada Damiir-laawayaasha Iyo Calooshood u Shaqeyste-yaasha Caawa La Magacaabay.

1. Ibraahim Macallim Nuuroow
2. Maxamed Xasan Faqi
3. Liibaan Ibrahim Amiin
4. Axmed Maxamed Abuukar
5. Cali Wardheere C/rixmaan
6. Abba Aw Suufi Xaaji Caffaan
7. Maxamed Maxamuud Shamuuq
8. Xasan Sid Cali
9. Xuseen Xaaji Cali Cabdalle
10. Maxamed Cumar Daahir
11. Maxamed Cumar Saytuun
12. Yaasiin Macalin C/qaadir
13. Maxamed C/raxmaan Ismaaciil
14. Cabdullaahi Muuse Abuukar
15. C/qaadir Nuur Caraale
16. Cabdisalaan Ibrahim Cumar
17. Guuleed Ibraahim Xooshoow
18. C/qaadir Maxamed Axmed Dhagacadde

Xubnaha Guddiga Farsamada ee Xukuumadda Muqdisho.

1. Khaalid Cumar Cali- Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga
2. Ibraahim Isaaq Yarow-Wasiir Kuxigeenka Amniga Qaranka
3. C/laahi Xuseen Cali –Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga

Ha Is Oron Cidi Kumaa Arkeysee Aqalo Jeeso

Ha Is Oran Cidi Kuma Arkeysee Canka Buuxso

Ha Is Oron Cidi Kuma Arkeysee Dadka Iyo Shacabka IIbso

 

Daafeet.Com

14 COMMENTS

  1. Waxaa igu daran in ninka habargidir ee Xooshoow oo ahaa kiii number 50 dadku ku gubay ay ku daraan liiskaan.

  2. KKKKK KKKKK KKKKKK KKKKKKK KKKKKKKK KKKKKKK KKKKKKKK

    SOMALIDU WAXEY HOREY UGU MAAH MAAHDEY ” NIMAAN KUU FURI DOONIN, YUUSAN KUU RARIN ” , TAASO AAN ULA JEEDO IN MR. XIIRANE , XASAN QOSLAAYE IYO MR. HURDAAYE AY SHIDAYAAN DABKII AY KU GUBI LAHAAYEEN MASAAKIINTA WAX MAGATADA DIGIL IYO MIRIFLE.

    WAXEYSE ILOWSAN YIHIIN INEY IYAGA NAFTOODA AY KU GUBAN DOONAAN DABKAAN OO AY GACANTOODA KU SHIDEEN MAXAA YEELEY WAXEY ISKU HALEYNAYAAN WAA AMISOM INEY U JUJUUBTO SHACABKA, LAAKIN WAXEYSAN OGEYNIN IN AMISOM AY HOREY U CADEYSEY MOWQIFKEEDA OO AHAA ” INEYSAN DHEX GELI DOONIN DAGAAL BEELEED ” KKKKKK KKKKKK.

  3. waxay utaala odayaasha dhaqaqnka iyo dowladda k/g iyo shacabka waa maalintii laga xoroobi lahaa kuwan cawaanta ah ee aan weli kalagaran yaa iskaleh dhulka laga hadlayaa ogaadaa reer k/g galbeed waxaad diidaan ayaa noqonaya wax sax ah ee taariikhdana galaya raysalwasaaraha geniga qaba ee aan kala ogayn cidda talada kago’do suaashu waxay tahay maxaa loogu gorgortomi waayay degaanada kale ee degaanadeena ay u noqdeen kuwa looga taliya xamar walee la’arki done maalamaha soosocda ciddii guulaysata shacabka reer k/g iyo cabdiweli iyo wixii uu dabada kuwato.

  4. waa arin aad Looga xumaado Dowlad ku sheegta xamar in ay Reer Konfur Galbeed ka Harsan wayaan kana hergeli waayaan oo iska daba dhigatay kuwan wax magaradka calooshood u shaqeystayaasha labada Gole uga jiraana ay meesha sidii mukulaal ahaan u fadhiyaan waa wax lala yaabo war caawi Damiirkina Dadnimo war Gurigiina in la idinku Taliyo oodna ka aamustan miyaa ka badin weysen caawi wixii mudada dheer aad dhiseyseen oo ku dhaqaalo besheen sidan miyaa xalku noqdey Hadiiba sidaan ogeydeen maxaa umadda u dhibeyseen oo shariif sakiina Loo buriyey oo loo raaci waayey
    Xada Talo waxaa Hor Taalo Reer Baydhabo oo
    waqti dhaqaale waxwalba Geliyey D/G/Konfur Galbeed Qabaailada Yar arimahan Gulbanka u Tumayaan in Dagaal Looga Hortago ayaa waajib ah Nocey Donaan ha ahaadeen ama inta Gori Goor Tahay in aad is dhiibtaan

  5. MARKA WAXAN LEEYAHAY DAFEET.COM MAHADSANIDIIN WAXAN KALOO U SHEEGAYA GEESIYAASHA. BEESHA. MIRIFLE. WAA. INEYSAN. MARNABA. OGOLAAN GUDI KU SHEEGAN

  6. Gudiga u xalaaleynta Maxaa tiriga ee KG:
    Xubnaha sida ay Beelaha ukala heleen: Mirifle 6 Xubnood, Digil 4 Xubnood, Hawiye 3 Xubnood, Dir/Biimaal 3 Xubnood, Daarood 1 Xubin, Beesha Shanaad, 1 Xubin
    :. 6+4+3+3+1+1= 18 Xubnood.
    Shaxdaan waxaa ku cad in Shabeelada Hoose, Bakool iyo Bay ay u simanyihiin Biimaal iyo Hawiye.
    Shaxdaan waxaa ku cad in 3 da Gobal oo leysku geeyay ay Hal cod dheer yihiin Digil macnaha Digil 4, Haawiyana 3.
    Shaxdaan waxaa kucad in Dadka Miriflaha oo leysku geeyay ee 3-da Gobal kunool in Barkooda kunoolyihiin oo Hawiye ah, macnaha 6 Mirifle ah Barkooda waa 3 Hawiye ah
    Shaxdaan waxaa kucad in DM & Biimaal lagu heysto Sh/hoose, Bakool iyo Bay, lagama hadlaayo 2-da Juba iyo Gedo.
    Shaxdaan waxaa kucad in Daarood wax ku leeyahay Bakool.
    Shaxdaan waxaa kucad in 6-da Gobal sax tahay macnaha 18 ka Gudiga / 3 da Haawiye = 6 Gobal.
    Shaxda waxaa kucad in Madoowe Nuunow dadaaley balse waxbadan qaldey.
    Shaxda waxay na tuseysaa Qiyaanada Wasiir Khaalid iyo Suldaan Buube, waxayna noo cadeyneysaa iney run tahay sheegashadooda Yahuudnimada, waxay kaloo natuseysaa ineysan ibnu Xalaal aheyn Ibrahim Isak Yarow iyo Sheydaan Jawaari

  7. WAA YAABKA YAABKIISA WAXAN LA YAABANAHAY NINKA JAWAARI LA YIRAAHDO WAAYO QUDBADII UU KAJEEDIYEY MARKII SHIRKA KASOCDAY XARUNTA BAYDHABO WAA TUU ISAGA YIRI YAA LA IDIIN KAL GADAN ARINTAN AAD WADAAN WADE ILAHAY GARABKINA HAGALEE IYO HADALO KALE OO DHIIRA GALIN AH HADAN WAAKAN ISAGA LAGA BILAAWEY GADASHADA CARABTU WAXY DHAHAAN QOFKII MAANTA KU IIBSADO BERITO BILAASH AYUU KUUGU GADAAA MARKA KUWAN LAKALA GATAY MID KA FIIRSADAAN MOWQIFKOODA WAAYO BAL HAL ARIN FIIRIYA MEELAHA KALE MAXAA LOO FARAGALIN WAAYEY SOO SOOMALI KAM MID AHA OO LOOGU SAMEYN WAAYE GUDI IYO MAAMUL WAXAA LA ARKAY DAD DAMIIR LAAWAYAAL AH OO DIGIL IYO MIRIF AH QAAR WAXY KU NOOL YIHIIN INGARIISKA WAXY U HADLAAYAN SIDA DAD QAMRI CABSAN OO KALE MAKALA OGA WAXAY KU HADLI JIREEN IYO WAX AY HADA KU HADLAAYAAN EE ILAHAY HANAGA QABTO KUWAN DAMIIR LAAWAYAASHA

  8. digil iyo mirifle waxaa lagu wargelinaa in ay isu diyaariyaan dagaal muqadas ah ee lagu difaayo dhulka dadka boobka wata ee dowlad ku sheegtaan xamabrsan iyow eliba wax ma garatada digil iyo mirifle ee uu horseedka ka yahay shariif saakin
    waa in la iska qabtaa sidaas darteeda waa in aan u istaagnaa dagaal la daarood iyo haweiye

  9. WAR DIGIL IYO MIRIFLOOW ARINKAAN WAA UJEED NAAYE MAXAA LOO FAFADHIYAA, KUWAN UMADA IBSANAAYANA WAXAAN LEEYAHAY GURBAANKII LAXADO MEESHII LAGUTUMILAHAAYAA LARABAA,HANOOLAATO WAAGOBEE WAAGOBEE HANOOLAATO 6

  10. Madeer iyo geeseey, waxba meesha kuma hayaan, waxay gacata u geliyeen sedexda gobol Goodax iyo Abdiwali, wax dambe oo looga baahan yahay ma jiraan. Qasaaro badanaa?

  11. Horta waxaa idin waydiiyay Digil & Miriflow waxaa ahay Daaroodka Bakool dega Always xaqayga wad duudsisaan amass xaqirtaan waxaadna ka dhigtan inaan cidkaleeto dagin on idin ahay umana malaynayo inaan nooga badanaysan. Horta dadka and wad dagtan Konfur Galbeed Bay’ Bakool iyo Sh.House ee inaad maamushan laydin ogolaaday daacad ka ahaada oo xaqooda cadeeya. Hadii kale walaala yaal Riyada Way Habaaban Dadki Run Umaleeya. Hadaynu nahay K/Galbeed aynu waqtiga la socono oo soo dhacsano Sh/House maamul loo wada dhanyahay oo shacabka K/Galbeed raali ka yahay not shacabka baydhabo oo qudha ama Shacabka D&M but all rear K/Galbeed

Comments are closed.