Gacan Ku Dhiiglayaashii Diley Nafiso Cusmaan Salaad Oo Maanta Xukun Dil Ah Lagu Fuliyey

3
37

21312Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka waxaa lagu toogtay labo ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen dil Magaalada muqdisho loogu geystay Gabar Ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafiso Cusmaan Salaad.

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fulisay xukunkaan dilka ah oo lagu fuliyay labo ruux oo ay maxkamada sheegtay inay qirteen dilka Gabadhaasi Ardayada aheyd.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow oo ka hadlay goobta dilkaan loogu geystay ayaa ku dhawaaqay in la toogtay Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shataa) oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Nafiso Salaad Cusmaan.

Goobta dilkaan toogashada ah ay ka dhacday, ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Tuur Yare iyo Saraakiisha ciidanka Dowladda.

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. marka hora waan soo dhowaynayaa arintaas aad fuliseen laakiin waxaan kadhihi lahaa kuma aan talin lahayn in sida aad u fuliseen dilka uu san ahayn mid ku haboon waayo nimankaan ilaaha qur’aankiisa ku sheegey sidaas waa inaad u fulisaan ayay ahayd intii lakeeno bartamaha magaalada weliba meelaha caank ah ee ay dadku ku badan yihiin intii lagu deldelo oo meydkooda lasuro ilaa salaada casar laga aaddaamayo, dadkana ay wada arkaan kuna cibri qaataan , kan ayaga kamid ah ee dadka ku dhoomaalaysanayana uu u ogaado haddii laqabto in uu masiirkiisa sidaan noqonyo akhriso ayada hoos ku qoran :إِنَّمَا جَزَاء الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُواْ أَوْ يُصَلَّبُواْ أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ

  2. qofkii qof dilo, gardarro in la dilo, kii isbaara dhigto in la dilo, qaadic dariiq in la dilo, waa arrin hagaagsan, hase yeeshee kuwaani waxaa loo diley, gebedha ay dileen, beesha ay ka soo jeeddo, iyo beesha ay ka soo jeedaan ayaa la diidanyahay inay isku dhacaan, mooyee, cadaalad raadin looma dilin , waayo meeye kuwii diley xildhibannada, aqoonyahannada , odey dhaqameedyada xamar iyo deegaannada kale lagu laayey, aawey kuwii diley.. maxaa loo soo qabanwaayey..
    Umadda beenta yaan loo sheegin..
    sheekadaan waa dhoolla tus, dowladda kuwa burburinaayo ee maalin walbo dagaalka ku qaado, ee xabiska laga soo deeyo..

Comments are closed.