Gudoomiyaha Maxkamada Sare Avv Ceydiid Ilka Xanaf Oo Sheegey In Amisom ey Diidey in ey Ilaaliso Xarumaha Garsoorka

3
33

ilka-xanafGuddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf oo ka hadlay amniga garsoorayaasha dalka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay diideen inay ilaaliyaan xarumaha hay’adaha garsoorka dalka ay xilligaan ku shaqeeyaan, isagoo intaas ku daray in AMISOM ay howsheedii qayb ka mid ah dayacday.

Avv. Ilko-xanaf ayaa xusay in ilaalo la’aanta ay keentay in lagu dilo Muqdisho garsoorayaal badan, isagoo intaas ku daray in xarunta ugu weyn ee garsoorku ku shaqeeyo ay ilaaliyaan ciidammo Soomaali ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in marka u doonayo in uu howl ama shir qabsado uu meelo kale ku qabsado nabadgalyo la’aan awgeed. wuxuuna intaas ku daray inaanu jirin hal garsoore oo ilaalo haysta, taasoo ah midda keentay in dadka howlaha garsoorka ka shaqeeya la laayo.

Mar uu ka hadlayay dacwooyinka la xiriira dadka loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayuu sheegay inay amni la’aan awgeed ay u qaadi waayeen cadwooyinkaas oo kale, balse ay qaaddo maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Isagoo hadalka sii wata ayuu sheegay in garsoorayaashu ay guryahooda sida shacabka oo kale u aadaan ayna kasoo shaqo tagaan iyagoo aan haysan wax ilaalo ah, taasoo uu xusay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii wax looga bedeli lahaa, balse aysan weli ku guuleysan.

 
Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. waxaa yaab leh oo ah in laga xishoodo gudoomiyihii ugu sareeyey maxkamada sare ee dalka inuu yiraahdo amiso iney na ilaaliyaan wey diideen hadii xamar aan leheen ciidan somali ah oo lugu kalsonyahay xasan culusow safarow garguurte qoslaaye meesha muxuu ujoogaa ama wuxuu sugooyaa lacagtii uu bada somaliya kugatay waa nacas isaga iyo wixii wasiiro iyo xildhibaan kusheek

  2. dadkan maxa ka qaldan AMISOM ma waxa lo keney iney Police wadanka ka noqoto.mise specific mandate ay qabaan ? before usaan Amisom Xag Xagan aqri Mandedkoda . Ileen waxa so dhow in Amisom la yiraxdo gurigeyga aan sexanayo igu ilaali.

  3. Wadanka Askartisa musharadkoda siiya nidamka dowligana ha ku tumaniina.AMISOM waa temporary solution.Permanent solution waa Cidamada Dalka.Dowldina ma jirto hadeysan Cidan jirin.

Comments are closed.