Dhageyso: Gudoomiyaha Degmada Afgooye Xaaji Gaabow oo Dagaal Loogu Hanjabay

6
216

imgresGobolka Sh.Hoose ayaa tan iyo markii Dowladii Siyad Bare burburtay Dhib ku haya Qabiil doonaya in Gobolka oo dhan la wareego. Kaabo Mooryaantooda oo isku sheega inay Odayaal Dhaqan yihiin ay warbaahinta ka sheegeen in 80%  degen yihiin Gobola. Hada si ay Riyadooda ugu dhabbeeyaan ayay Wajiyo iyo Shaatiyaal badan u gashteen sida Salbalaar, Maxaakiim iyo Dowlad. laga soo bilaabo Sharwadihii Caydiid, C/qaasim, Maxaakiimta ilaa Dowlada Xasan Shiikh ayaa Gobolka noqday meel dayacan oo Dadkiisa Shirqooladaas warmoog ka yihiin. Beeshan oo huwan Magaca Dowlada ayay tiigsanaysaa in Gobolka Maamul iyo Deegaan ahaan la wareegaan.

Ayagaoo Magaca Dowlada isticmaalaya ayay Lafoole iyo Jasiira ka jareen Degmada Afgooye. Bil ka hor ayay Marka qabsadeen.

Waxay ku hanjabeen in Beesha Biyo-Maal ay u dulaysan doonaa sida ay u dulaysteen Dadka Reer Banaadiriga. Hadana waxay u hanjabayaan Xaaji Gaabow.

Ninka Sheegta Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole Xuseen Jilacow ayaa Dagaal ugu hanjabay Gudoomiyaha Degmada Afgooye Xaaji Gaabow. Xuseen Jilacow oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho oo qeyb ka ah Siyaasada Dhulboobka  ayaa sheegay in ay Gacmaha iskula tegayaan Gudoomiyaha Degmada Afgooye Xaaji Gaabow, taas oo uu sababteeda ku sheegay canshuur uu doonayo Xaaji Gaabow in uu qasab uga qaado Lafoole.

Lafoole waa Deegaan hoosyimaada Degmada Afgooye balse qaab beeleed aan waafaqsanayn Sharciga  ay Beesha Gobolada Dhexe degta Degmo uga dhigatay, uuna u fududeeyay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cabdisamad Sheekh Xasan.  Xaaji Gaabow ayaa Fikirkaas Gurcan ee lagu jarjarayo Degmada Afgooye diideey. Waxaana la u ogeyn Xiisada meesha ay ku dhamaan doonto.  Waxaa xusid mudan in Gudoomiyaha Gobolka uu noqday nin ku adeegtaan Beeshan.

 

Halkan hoose ka dhegeyso

 

 Hanjabaad

 

halkan kaga dhegeyso mobilkada

 

Hanjabaad mobil

 

Daafeet.Com

 

6 COMMENTS

  1. asc horta ninkaan wax iska qoraayoow sxb waxaa lagu jiraa bil kheereesan ramadaan illaahay umadiisa ha isku dirin oo umada illaahay ee muslimkaa ha ku danbaabin dadka ahlu aakhiraadka ahna hakaa nabad helaan intaas kabacdi waxaan kudhuhi lahaa habargedir dhulkaas aad soo sheegtay waxbay ka dagantahay cid ay dulimsana maleh dadka reer gibil cadkaana anaga maduleesan oo waxaan nahay dad isku mid ah oo islaam ah marka anaga gaalo manihin oo dadka adoonsada waxaan nahay umad islaam ah islaamkana waa ka mamnuuc inay saas isku galaan marka dadka caqliga gaaban oo waxaad qoreeso rumeesanaaya waxaan dhihi lahaa idinkuna seef laboodlayaal ha noqonine ibliiska dadka idinku diraaya iska qabta.

  2. Laashin Shiidle eh aa waxaa laga haayaa
    Waxaan la haadi rawaa ama aan la haadi doonaa heblaayo oo hebloo dhali aa
    hebloo kale ku heesaaye,
    marka Lafoole oo dhul Wacdaan Cusmaan ah taariikhna u leh ay Talyaanigii kula dagaalameen, maanta nin kale oo u dhalan ha loo dhiibo wa godob aan Xasan Shiikh iyo
    Abgaal ka tirsaheeno, maanta oo nin walba la yiri minikiisa ha ka taliyo waxaas minikeena ninkale uga tali haayo .

  3. www sxb mukhdheerow waxaa difacday dadka la sheegayo waana kaa muuqataa si cad ayaad u sheegaysaa in aad xaqdaro ku haysataan walina aad garan la dihiin waqtigii isboobka wa dhamaday ee dadka aad ku tilmaantay reer aakhiro ma waxaad ula jeedaa dadka reer shabellaha hoose hadii fakirkaaga yahay dad dhintay dadka ma dhiman waa aay suuxsanaayeen hadana waa soo tooseen ee gobolkaa katimid waa taqaanaa illaah ku mahdi kuna qanac insha allaah

  4. war gobolkan mooriyaan baa ku soo duushey oo ka yimid gobolada dhexe hadii aan leyska dhicin ma ka tagayan gobolka ,sababtoo ah dowlad ku sheega muqdisho iyo isla ayagii oo shabaab ah oo is caawinaya baa shacabka dagaal kula jira..marka laama yaabo in cadaalad ka dhacdo ilaa ay dagaalka a wada qeyb galaan shacabkoo isku duuban..inshaallah

  5. Hadii aan u jawaajo doqonta gare kuqaraa baneysa oo sheetigakale gashan waxaan oranlahaa cid aadan aheyn ha iskadhigin doqonyahey

Comments are closed.