Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada federalka oo deegaano hor leh kala wareegey Alshabab

1
67

xudurCiidamada dowladda federlka Somalia iyo kuwa dalka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta la wareegay degmooyinka Waadjir iyo Buurdhoobo oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Degmada Buurdhuubo ayay dagaal kula wareegeen goor dhow ciidamada huwanta ah ee isbahaysanaya, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay isaga baxeen gudaha degmadaas, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku sugan yihiin gudaha degmadaas.

Xoogaggii Al-shabaab ayaa dagaallo culus oo ka dhacay duleedka degmada kaddib isaga baxay degmadaas, iyadoo degmadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay kala wareegeen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda ururka Al-shabaab oo sannado badan ka talinaysay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo maalmahan dagaallo kooxda Al-shabaab kula dagaalamayay gobolka Bakool u suuro gashay saakay aroortii hore inay si rasmi ah ula wareegaan degmada Waajid oo muddo shan sano ah ay kooxda Al-shabaab ka talinaysay.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. walaahi shabaabow markii runta aad arakteen sidaans ayaad ukala ordeysiine umadiina waxaad ugu sheekeysiin jihaad diin aad wax ukordhisene ma arakno umadii waa jaasuus ayaad nafta kudhafisen meeqaa gardaro cad aad udisheen meeqa qof ayaad gardaro xubnahoodi ugu jarteen imisaad agoon kadhikteen oo ilaa hada cid daryeesha aysan jirin maxaad dalka aad gaalo gacanta ugeliseen tusaale ahaan kismayo markii dowlada idinla dagaasha waxaad heshaan awood xad dhaaf ah markii axmed madowe kenyaatiga idin wateyna si sahal ayaad ugu gacan geliseen buurdhuube waajid xudur daqiiqado gudaheedi kuwareejiseen kuwii aad leheeden gaalo walle qorshihiina oodhan diin waxba kama jiree waa in dalka intiisa badan ood ugu gacan gelisaan cadowga islaamka koley dad naxaayo matihiine maad cadaalad sameysaan ood kudartaan jihaadkiina dhulka oo godane kasoo jeeda sida hargeysa iyo burco koley dhibaatada aad gaarsisen dal iyo diinba

Comments are closed.