Maqaal:- Fikirkii Dowlada goboleedka konfur galbeed somaliya oo rumowdey

2
40

13Mahadi waxay u sugnaatay Alle S.W. Rabi ha u naxariistee ragii keenay fakarka Dowlad Goboleedka ayadoon Soomaali badana garanaynin muhiimada Dowlad Goboleedka ay leedahay waxay kala ahaayeen  Marxuumyadan soo socda oo kalimo kala duwan kasoo qaatay sidii loo heli lahaa xukun qowmiyadan leedahay waxayna kala yihiin sida tan:

1. Aabe C/qaadir Sh. Saqawadiin

2. Sh. C/laahi Bagadi

3. Istaad Osman

4. Mushdhaf Sheekh

5. Omar Macalin Mayow

6. Ahmed Rashiid Sheekh Maxamed

7. Abdalla Derow Isaaq

8. Hassan Mohamud Shaati-Gaduddu

Maanta Riyadii Koonfur-Galbeed way rumowday, Rabitaanka shacabka rabi baa rumeeyay ruxii rabay reeyn reeyn ayuu kujiraa kii diidanaana dooninsta ayaa dani ugu jirtaa. Waxaa manta runowday riyadii aabayaasheena ay kasoo shaqeeyeen tariiqda ayaa xusi doonta intii kasoo shaqaysay oo nool ama geeriyootay.

Maanta waa Maalin Muran Kadhan, Muhiimada waa maxaan qaban karaan, maxaa layga baahan yahay?, xageen wax kaqabtaa? Iyo wax lamid ah. Muhiimada manta waa in shacabka Koonfur-Galbeed isku tashadaan isku xisaabtamaan Kana tashadaan aayahooda. Dareenkayga waxuu ii sheegayaa inaan manta dangiigsan karno dowladuna daacad u ahaan karno .

Hadaad tahay Reer Koonfur-Galbeed waa inaad taageero hiil iyo hooba lagarab taagnaano Maamulkani cusub oo garab nooga baahan manta.  Hadaad tahay Madoow ama Cadaan Koonfur-galbeeda ayaa isla nahay ogoow Koonfur-Galbeed way kabaxday heer qabiil waxaano maraynaa heer deegaan.

Aqrisyoow Ogoow Koonfurgalbeed ineey kuu baahan tahay waa inaad taageertaa dhaqaale ahaan qof kalana hasugin ogoow tani waa badbaado mushtamaac. U istaag ayatiinkaaga.

 

Omar Biikole

Minneapolis, MN

 

2 COMMENTS

  1. Asc,horta aad ayaan u faraxsanahay inaan illaahay naga ogolaaday waxii illahay ka barinay oo ahaa FEDERATION wax badan nagala hortaagnaa al-xamduulaah haddii eebe nagala aqbalay riyadeena maanta waxa leeynahay DOWLAD K/GABALEED EE SOOMAALIYA waa wax ku faani karnoo waa GUUL GUUL Raagii soo Halgamey 8 sideeda ah waa in la xasuusta oo Taalo loo dhisaa walaalyaal Guuleystaa A S C

  2. Alxamdulilaah Allaah ayaa mahad iskaleh oo nagaarsiiyey natiijadaan qiimaha badan ee waxaan leyahay rer konfur galbeet waxaalayiri nin guntan ayaa loogargaara ee maamulkeen aaynu lagab istaagno hiiil iyo hoooba sagiir iyo kabiiir hurdada aan katoosno guuuuuul k g calankeda hataagnaada oo cadaowgeeda hadhinto

Comments are closed.