Sir Culus…Ciidamadii ONLF ee Kismaayo ku sugnaa oo maanta ka baxay magaalada.

2
37

baxWarar lagu kalsoon yahay oo aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Kismaayo caasimada gobolka Jubada hoose ayaa waxay ku waramayaan in maanta ay magaaladu ka dhaqaaqeen ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 300-350 askari oo katirsanaa Jabhada Xoreynta Ogaden ee ONLF oo magaalada Kismaayo kaga howlgali jiray magaca ciidamada maamulka Axmed Madoobe ee Juba.
Ciidankan oo u dhamaa qalabkooda ciidan ayaa waxaa lasoo warinayaa inay u dhaqaaqeen dhinaca Raaskambooni,Bada madoow iyo dhinaca xaduuda dalka Kenya.
Inkasta oo aan maamulka wax war ah kasoo saarin ciidamadan ONLF ee ka baxay magaalada ayaa waxaa hadana dhanka kale aad loo hadal hayaa in ciidamadan ay ka baqda carareen ciidamada dowlada Itoobiya oo iyagu ku soo fool leh magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

2 COMMENTS

  1. Masha alaah waa in lagafaa ideystaa cadowga waajabey waana baqayaa dowlada k/galbeed kaca oo kafaa ideysta waa in aad dhaqsikutagtaan jubada dhexe casimadeda bo aale insha alaah guuuuul 6gobol dowlad k/galbeed somalia

  2. waa fuleynimo waana lagu yaqanaa or orodka iyo meel aan cid joogin in lagu boboteeyo meesha ay tagaana waa loga daba tagi doonaa

Comments are closed.