Dardaaran Kuwajahan Odayaasha Dooranayo Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Soomaaliya Iyo Musharixiinta Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

0
40

bikoloMaanta waa maalin mushtamaca reer Koonfur-Galbeed Soomaaliya ay mudo sugaysay, Maanta waa maalin dhalinta Koonfur-Galbeed u baahnaayeen, Maanta waa maalin hooyooyinka caruurtooda yari kuhurudsiyaan madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeedoow imoow, Maanta waa Maalin Malaaqyada magac hakaa haro leeyihiin, Maanta waa maalintii uu Madaxiisa sareeye Malaaq Xassan shure kusifeeyey in Gacan lagu dagaalamayo gacanta kalena Koonfur-Galbeed lagu dhisayo, Maanta waa markii ugu horeysay Koonfur-Galbeed shacabkeeda, Odayaashooda, Siyaasiyeentooda, Culimadooda iyo aqoonyahanadooda ay midoobeen, Maanta waa maalintii qofkii Soomaalinimo rabo kufarxi lahaa Maamulka Xaqa ah ee Koonfur-Galbeed, Maanta waa Maalin kii qabiilka rabayna uu naci lahaa Horumarka iyo midnimada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.

Hadaba waxaan fariin dardaaran ah u dirayaa  marka hore odayaasha dhaqanka oo dooran doono madaxweynaha Koonfir-Galbeed ee Soomaaliyeed. Waxaan idinka codsanayaa inaad kudoorataan qofka aad dooranaysaan kartidiisa iyo inuu kasoo bixi karo howshan adag oo cadow cadaan iyo madoowba leh. Maanta waa maalintii aad badbaadin lahaydeen Shacabka Koonfur-Galbeed oo gumeysi sokeeye iyo shisheeyaba soo maray tan iyo 1960kii  ilaa manta. Waxaan malaaqyada muujiyay adkaysiga, geesinimada, dhabar adeega, raganimada manta kafilaynaa ineey doortaan hogaan hufan, hogaan lagu doortay karti iyo kalsooni, Hogaan lagu doortay qibrad iyo qibrad, manta madooneeyno hogaan lagu doortay qabiil, madoonayno hogaan lagu doortay laaluush, manta madoonayno hogaan lagu doortay hebel ayaa wato ee waxaan rabnaa hogaan daacad ah oo aad u malaynaysiin inuu umadan dhibka kaqaadi karo, hogaan aad aaminsan tihiin inaan qadiyadiisa la’iibsan Karin, Hogaan sharaftiisa iyo sumcadiisa iyo sumcada reer Koonfur-Galbeed.

  1. Musharixiinta madaxweynanimada doonayo ee maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed soomaaliya waxaan kula dardaarmayaa ineey dhab kanoqoto rabitaanka masuuliyadan weyn.
  2. Inuu awoodeeda iyo kartideeda leeyahay oo aysan ka ahayn is-sharax oo qura waayo masuuliyadan waa masuuliyad weyn oo ladoonayo in mushtamac tan iyo 1960 kii dhib kujiray aanu doonayno hogaanka qabtaayi inuu nagu bad-baadiyo ee uusan danihiisa qaaska kuqabsanayo ama reerkiisa ku hormarinayo.
  3. Waxaan kadigayaa mid is-sharax qarashka anaa kaa bixinayee walaalkaa kuxumee inuusan meesha ku imaanin oo aan diyaar u ahayn oo rabitaankiisa ku iman balse asxaab ama reer kuqasbeen inuusan imaanin waayo qof aan diyaar u ahayn oo lasoo riixay mushtamacan mabadbaadin karo shaqsiga is-sharaxayana inuu ahaadaa mid rabitaankiisa kuyimaado.
  4. Waxaan kutalinayaa in musharixiinta ay diyaar u noqdaan ineey isku tanaasulaan tasoo kudheehan walaaltinimo, saxiibtinimo, ehelnimo, deegaannimo, jaceyl.
  5. Waxaan kaga digayaa musharixiinta hadii laga raayo ineeysan diidin natiijada waayo waxay dhalinaysaa qilaaf iyo in lagu kala tago meesha tasoo farxad u ah kuwa diidan horumarka Koonfur-Galbeed Soomaaliya waxaa manta idin eegayo Soomaalida kale, waxaa idin eegayo beesha caalamka, waxaa idin eegayo dowladaha deriska, waxaa idin eegayo wadamada daneeyo Soomaaliya oo idil waxayna doonayaan inaan tusno cadaalad, waxaan doonaynaa inaan tusno kala danbeyn, waxaan doonaynaa inaan tusno maamul wanaag waxaan idinka filaynaa dhamaan waxii wanaag ah.
  6. Musharaxa waa inuu ahaadaa mid ahmiyadiisu tahay inuu danihiisa qaaska ah kahormariyo tan qowmiyada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya.
  7. Musharaxa waa inuu yahay shaqsi rabo inuu kadhabeeyo riyada shacabka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya kuwaasoo u ooman ineey arkaan Maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya.
  8. Musharaxa waa inuu ahaadaa mid u adeego mushtamaca Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya balse uusan noqon mid u adeego aayihiisa balse aayaha umada lixda Gobol degta oo shanta soomaaliyeed kakooban tahay.
  9. Musharaxa waa inuu noqdaa mid Alle hacabsanayo, aaminsan maalinta qayaamo, muwaadin, wadani kasoo/Taasoo kudheehan tahay wadaniyad aaminsana maalinta qayaamo in loosoo istaajinayo waxa uu falo
  10. Musharaxa waxaan kafilaynaa inuu noqdo Geesi hor istaagi karo kana baaraan dagi karo caqabadaha kala duwan oo soo wajihi doono kuwaasoo ubaahan adkeeysi, awood iyo kalsooni. Musharaxa waa inuu ahaadaa mid garan karo waxa kusoo socda isla markaasna raadin karo hababkii uu u ga hortagi lahaa iyo qaabkii uu ku wajihi lahaa.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa Madaxweyne, Karti leh, Aqoon yahan ah, Qibrad leh, Geesi ah, baahi kastana buuxin karo mushtamaca Koonfur-Galbeedna kuwada faraxdo inuu ilaahay inoo soo saaro maalmaha soo socdo.

Qormadan waxaa qoray

Cumar Cali Maxamed (Biikole)

Minneapolis, Minnesota