Qarax maanta ka dhacay meel aan sidaa uga fogey Baar Fiat

0
26

Qarax GaariUgu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Baar FIAT ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa qaraxa loo adeegsaday, waxaana dadka dhintay ku jiray sarkaal sare oo ka tirsanaa nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen maydadka 12-qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca dad ka badan 10-qof oo ay ku jireen laba haween ah oo lahaa maqaayadaha qaraxa lala beegsaday.

Gaadiidka badan oo kuwa gurmadka ah ayaa ka qaaday goobta dhaawaacyo iyo dhimasho fara badan oo isugu jiray rayid iyo dhimasho, waxaana ka mid ahaa askar ka tirsan hay’adda nabadsugidda.

Baabuurka qaraxa sameeyay ayaa ahaa kuwa yaryar ee raaxada, waxayna u sheegeen warbaahinta qaar ka mid ah goobjoogayaasha inuu eryayay gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada C/casiis, C/llaahi Xasan Xuseen oo isaguna goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xooggan uu dhacay ayna weli socdaan baaritaanno ku saabsan dadkii wax ku noqday.

 
Daafeet.Com