Jan Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo loo magacaabey gudomiyaha gobolka banadir

0
22

muungaabWareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho loogu magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Jen. Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xilkan la sheegay inay kula tartamayeen xubno kale duwan oo ka soo jeeday Beesha Mudullood.

Duqii Muqdisho ee maanta xil ka qaadista lagu sameeyay Tarsan ayaa intii uu haye xilka wuxuu soo qabtay shaqooyin kala duwan oo aad loogu xasuusta, waxaana uu ahaa ruuxa kaliya ee Gobalka Banaadir masuuliyiinta soo maray ugu shaqada badnaa.
Daafeet.Com