Wakiilka Qaramada Midoobey oo ka codsadey Odayaasha shirka beydhabo in 4 maalmood dib loo dhigo

3
26

nikolaayWakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka codsaday Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ku howlan dhisida dowlad goboleedka Koonfur Galbeed in mudo afar cisho ah la hakiyo Shirka.

Nicholas Kay oo isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa xiriir khadka telefoonka ah lasoo sameeyay Odayaasha Dhaqanka K/galbeed ayaa dalbaday in la sugo mudo afar maalmood ah.

Odayaasha Dhaqanka ayaa u sheegay Danjire Kay in Shirkoodu uu ku socdo jadwal degsan oo aan wax laga bedeli karin.

Sidoo kale Odayaasha ayaa u sheegay Nicholas Kay inay mar hore sugayeen uuna kusoo daahay, balse uu hada kusoo gaari doono Shirka.

 

Daafeet.Com

3 COMMENTS

  1. ODAYAASHA XAQ UDIRIYAASHA MUJAAHIDIINTA AH CODOWGA GUDAHA IYO DNBADA KU SOO DUULEY MARWALBA CODOWGIINA WAAYE WAXAA LOO BAAHAN YAHAY INAAD ISKU TASHATAAN KALADANBEEN SAMEYSATAAN SIDA HADA WAX USOCDO MAASAHA ALAAH WAAN KU FARAX SANAHAY HADAAN NAHAY SHANTA CALEEMOOD HADII ODAYAASHA MUJAAHIDIINTA AH CIIDAN IYO MAAL IYONAFTEENA INAAN UHURN DIYAAR AYAAN NAHAY

  2. salaan kadib malaaqyadeena aad iyo aad ayey umahadsan yihiin yey maqlin hadalkaas kasoo yeeyrey nicholas waayo wax dan ah haba yaraatee nooguma jirto mahadsanidiin

  3. hanbalyo ayaa leeyahay odayaasha konfurgalbeed waxaad ku dadashaan isku duubni iyo inaad iska illaalisaan kuwa damiirlawayaasha ah oo u dhashay konfurgalbeed ee shilimada qadiyadiina dhaafsanaayo ha guuleysto maamulka konfurgalbeed somalia waa meesha nabad somalia ay ka imaan doonto

Comments are closed.