Amisom oo iska fogeysey rabshadihii maanta ka dhacay baydhaba

0
28

cali adanafhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in shaqaaqadii maanta ka dhacday Baydhabo ay aad ula yaabeen kana horjeedaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan xusuusinayaa in howlgalka AMISOM ay u joogaan Soomaaliya uu yahay nabadeynta Soomaaliya, haddii nabadeyntii ay keeneen ay dadka fursad u siisay inay shirar yeeshaan, taasi waa aad u wanaagsan. Dowladduna howsheeda iyada ayaa iska leh innaguna waan la shaqeynaynaa, balse wixii maanta dhacay ma ahan mid eedeeda aan innagu leennahay,” ayuu yiri Col. Xumad.

Afhayeenka oo la weydiiyay su’aal ahayd inuu wax ka ogyahay amarka lagu joojiyay shirarka Baydhabo ka socda, maadaama ergooyinka sheegeen inay AMISOM ku amartay inay hoolka iska joogaan balse aysan shirka sii wadi karin? ayaa ku jawaabay:

“Haddii amar ay soo saarto dowladda Somalia AMISOM waa la ogeysiiyaa; laakiin waxaan kuu sheegayaa in ciidamada AMISOM aysan tallaabo iska qaadi karin, marka haddii amar la bixiyay dowladda federaalka ayaa iska leh, haddii ay ciidamadeeda amar siiso inaan la shaqeyno oo aan joojinno wixii halkaas ka dhaca waa mas’uuliyaddeenna, sidoo kale haddii aan la kulanno dad is-haysta waan dhexgalaynaa waana kala joojinaynaa.”

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Somalia ee Baydhabo jooga la siiyay amar iyaguna ay gacan siiyeen, balse amar ay iyagu bixiyeen oo shirarkaas lagu joojinayo uusan jirin.

 

Daafeet.Com