Qormadii:- Maxamed Adkeeste iyo Gartii Qabuuraha

1
51

qabuuroGar ayaa loo fadhiyaa oo maxaa looga had-layaa oo lagu xalinayaa gartaasi kolkaad weydiiso Dadka goobjooga ka ah goobta ay ka socoto Garta lagu falanqeeynayo  oo ay ufadhiyaan odayaal & wax garad waxaa  laguu sheegayaa gartu waxay ku saab santahay, sida Dagaal dhex maray labo Nin ama laba Reer ama laba Qolo, waxaa kaloo lagu dhihi karaa waxaa loo fadhiyaa gar ku saabsan Dad Dhul daaqsin ah isku haysto ama Dad dhul beereed isku heysto ama Dad dhul degaan ah isku hasyto, waxaa kaloo lagu dhihi karaa waxaa loo fadhigaa gar Nin iyo xaaskiisa, waxaa kaloo lagu dhihi karaa waxaa loo fadhiyaa gar mag lagu kala qaadanayo ,I,W,M.

Haddaba weligaa ma maqashay Gartii Qabuuraha hadii aad maqashay waaba maqashay hadii aadnaan maqlin bal maanta aan idin maqashiiyo Gartii Qabuuraha.

Somalidu waxay tiraahdaa Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban,Reer xamarkuna waxay yiraahdaan Aduunyo joog Geel dhalaayana waa arkaysaa,Carabtuna waxay yiraahdaan AL- Cibaarah Cibrah.

Dagaaladii sukeeye waxaa laga dhaxlay waxaan dhaqankeenii   & Diinteena suuban midna aan waafaq saneeyn,Qabrigu waa guriga xaqiiqda ah ee Qofka la geeyo sida Axaadiis badani ku soo arooreen iyo Ayaado fara badan ilaahayna noogu sheegay, in Qabrigu uu yahay Awalu min maanzilil khiyaama, Qabrigu in uu yahay Guriga ugu horeeyo uu ku leeyahy qiyaamada, waa halka aad ka bilaabayso nolasha qiyaamaha,Qabrigu waa guriga saxa ah uu leeyahy Qofka Muslinka ah ama midka Gaalka ahba, waa gurii uu ilaahay siiyayay cid taaban karto ama dhib ugeeysankarto haba yaraatee ma jirto.

Qabuuraha  kolkaad usoo dhawaato waxa uu Nabigeenu SCW uu inoo sheegay in marka hore aanu salaano kadibna aan uduceeyno Ahlu Qubuurka,kadibna aan inaga aynu duceeysano, Culimada qayb ka mid ah ayaa weli dood ka qaba hadii Qabriga dushiisa uu Caday ama Rumay uu ka soo dul baxo mala goosan karaa, ama Malaga jarankaraa caday –gaasi, waxaa kaloo la mid  ah haduu Geed Timaar ama miro leh uu Qabriga ka soo dul baxo  in la guran karo  iyo in kale, Culimada qaar baa qabo lama guran karo  oo waa ay diideen iyagoo daliilo cad cad keenay.

Hadaba Wadankeenii waxaa ka dhacay xadgudubyo loo geeystay Qubuurtii Musulimiinta iyo kuwii Gaalada, oo waanu wada ognahay in qaarkood la faagay oo lafahoodii meel Banaan ah lagu daadiyay aan xitaa weli la ogeyn, qaarna wadooyinka lagu soo daadiyay,qaarbaa dushooda Guryo laga dul  dhistay.

Qabuuraha dhibkaas gaaray oo aan la qiyaasi Karin ayaan waxaa mid ka ah Qabuuro ku yaalo magaalada Marko.

Magaalada Marko waa magaalo qadiimi ah oo xadaari ah waxaa ku noolaa Dadyoow aad ukala duwan sida Talyaani ,Hindi/oo isuga jiray Muslimiin & Hindu, Somali,iyo Carab, Qabuuro kala gooni ah ayay lahaayeen,sida Qabuuraha Hindida,oo kuyaalo Ceel hindi, Qabuuraha Gaalada,Iyo Qabuuraha Muslimiinta oo laba cirif ee magaalada ku kala yaalo, sida Qabuuraha Sheekh Maxad sheekh,& Qabuuraha Aw erijiroow,Qabuuraha Xaafad Ruusiyo oo ah kuwa ugu weyn oo ay leeyihiin Muslimiinta, hadaba qabuurihii qarniyaal ka badan dadka lagu aasi jiray ee ku  yaalay magaalada Marko intooda badan waa la dul dagay oo guryo ayaa laga dul dhistay oo Magaalo ayaa korkooda laga dhigay.

Odayaasha iyo wax garadka & Culumaa’udiinka Magaalada Marko ayaa ka qayliyay in dhibaatada Qabriyadaan la bur burinaayo oo dushooda la dhisanayo in laga joojiyo  arinkii baa dood ka dhalatay doodii ayaa waxay sababtay in Gar loo fariisto, garta waxay udhaxaysaa odoyaasha, wax garadka culumaa udiinka magaalada Marko,  iyo dadkii qabriyada duduminayay ee  guryaha ka dul dhisanayay.

odayaashii iyo ikhiyaartii ku doodaysay in aan la taaban Karin ayaa doodii bilaabay oo  waxay yiraah deen  in la dumiyo iska daayee xitaa lama taaban karo Qabuuraha dushooda, maxaa yeelay waa xaraan iyagoo goobta ka aqriyay Aayado iyo Axaadiis faro badan oo ay daliil cad uga dhigeen in aan la taaban karin Qabuuraha Muslimiinta, intaa ka dib waxaa hadalka qaatay Qoladii Qabriyada dul dhisanaysay  waxay yiraahdeen   walaalayaal waxa aad sheegteen oo dhan waa sax waanu oganahay Axaadiista iyo Quraanka  lakiin idinku waxaad udoodaysaan Nin 100 sano ka hor dhintay anaguna waxaan udoodaynaa nin hada nool uu ubaahan meel uu dago hadaba anaga iyo idin kee gar daran waad ujeedaan oo nin dhintay wuxuu ubaahan yahay ma jirto lakiin ninka nool waxa uu ubaahan yahay meel uu dago reer Marko odayadooda, akhayaartooda & Culimadooda dooda waa looga adkaaday, gartiina waa lagu kala tagay,  Qabuurihiina  waxaa laga duldhisay xaafad weyn waxaana loo bixyay xaafadaasi Cadaado  yareey .

 

Xaafada cusub ee Cadaado yareey  waa Qabuurihii Muslimiinta lagu aasi jiray in ka badan 100sano waa xaafad cusub

 

Gartii Qabuuraha waxaa ku guuleestay dadkii dul dagay Qabuuraha, Reer Marko sidaasi ayaa   Qabuurhooda loo dul dhistay waxayna noqotay Gartii Qabuuraha.

 

M adkeeste

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. asalaam calaykum waxaa idin sheegaa haddii diinta islaamka qaabto inla dhisan karin lana dagi karin dadka leh ninka 100sano duugan nin ne maysto meel u dago ma meel dhulbanaan maa la waayey? oo la dago waa dadkan dagan waa muryaan waxba kama cabsadan laakin tii allah baa imtixaan u arki doona kuwii hore oo kale la dhihi jiray if iyo aqiro aa nigu dhici doona if iyo aaqiro waa xafada ka mid xamar xaafada jenerale dauud wixii meesha ka dhacay qibrad halagu dhigto

Comments are closed.