Dhegeyso: Suldaan warsame oo ka jawaabey hadal dhawaan kasoo yeerey qaar ka tirsa caadaqaatayaasha Beelaha Digil ee ku sugan Muqdisho

12
51

warsameeAfhayeenka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Ahna Gudoomiyaha Malaaqyada Digil I Mirifle Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim ayaa si cad uga hor yimid hadal dhawan kasoo yeerey gudppmiyaha gobolka shabeelaha hoose iyo calooshood u shaqeystayaal digil ah oo dhawaan qaadacay shirka maamul u sameyn koonfur galbeed somaliya.

Suldaan ayaa intaa ku darey in muqadas ey tahay wada socodka digil iyo mirifle marnabana aan la aqbali doonin kooxaha uu ugu yeerey iney yihiin Call Box oo markii la doono in lagu dhibaateeyo shacabka digil lacagta lagu soo shubto.

Suldaanka ayaa intaa raaciyey in dhamaan odayaasha digil ay raali ka yihiin shirka ka socda magalad baydhaba intooda badan ey ku maqan yihiin inta harteyna ey tegi doonaan isbuuca soo socda.

 

wareysi suldaan warsame 2

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

wareysi suldaan warsame 2 Mobil

 

Daafeet.Com

12 COMMENTS

  1. Digniin beelaha konfur galbeed marka hore xadiiskaan fahan kulu adumu qadaa al qadaa qeyrul thawaabuna, ,micnahiisa , bini aadanka dhan wey wada qaldan yihiin lakiin waxaa u qeyr badan kuwa qaladkooda kasoo laabta,,, haduu qalad dhacana sax adigoon walaalkada la tirsanin, taasi waa daciif nimo kaaga faa ideysanayo cadawgaada, iskana joojiya arimahaan iyo fariinada leysku dhigayo idacadaha ama wargeysyada taasi dhalinmeyso wax faaido ah hur horleh moye, cidaad wax ka tabaneyso lugahaaga ku raadso albaabkiisana garaac adigoo gambarkaada wata waa mida aad ku gaarikartiin horumar, waxii kasoo hara ha is daalnina waa iga talo teeda kale konfur galbeed ma aha meel ay degaan Digil iyo Mirif kaliya magacaas D iyo Mirif haloo farsameeyo Sida puntland Ama Somali land, Aruntu ha ahaato Shacbiga Konfur Galbeed, Aniga waxaan ku abtirsadaa Jareer weyne Dhulka aan ka deganahayna waa meelaha ugu weyn D iyo Miriflena Ma ihi marka sideen siyaasad ahaan isugu imaaneynaa,miriflow,dhulkana intiisa badan anigaa degan adigana waxaa kuu dhegan tabele D iyo Mirifle, sheekada reer magaleya, Qabiilka ka gudba u gudba qowmiyad sida qowmiyada konfur galbeed, evary body ,ha iska iloobo arigtida gaaban hala aminio gobolka sida Dowlad Deganka somalida ethiopia, oo ka gudubtay aragtidii aheyd ogadenya, inkastoo qaar weli ku riyoidaan, maanta waad aragteen horumarka ay ku talaabsadeen,

  2. suldaan wa ku mahadsan tahay shaqada wanaagsan ee aad u qabaneysid shacabka, tan kale dadka xooga lagu heysto ee ku nool gobolka sh-hoose Wax walba oo ay ku hadlaan yan waxba laga soo qaadin,ileyn waa dad handadaad ay ku heystaan beesha habaaraneey…guul ban ka sugeynaa shirka mamul u sameynta gobolada k/galbeed..inshaallah..

  3. TO DULMANE sxb waa kugu racsanahay raaigaaga meelna an ka saxo insha lah, waa runta shacabiga konfur galbeed in la dhaho waayo mamulka mid digil iyo mirifle keli ah iska leyihin mahan somali badan aya ka wax ka dega shirkana maanta waa u dhan yihin,, mida kale somali wixi an hawiye, darood iyo isaaq ahaynba wa isla dhashen marka jarerweyne degan dhaqan iyo afba naga dhaxeyo in anagana wax naga tabadan ama an inkirno wax dhacaya mahan dhulkaan wa naga dhaxeeya an cadowga ka dificano nabad anaga dhexdeno iyo somalida kale ee nagu dhex nool ku kala bad baadno an sameysano aya hada arinkuu yahay bro.

  4. SULDAN WARSAME shirkii istanbuul aya ku arkay maash alah wa nin dhalan yaro ah, geesi ah aqon yahan qadiyaad badan qadiyadiisuna ay tahay maslaxada guud ee shacabiga konfureed iyo isu duubinooda, marka nin sidaasi kale ah in la garab istago midka umada kala geynayana la iska qabto.

    mida kale ilah ha daye suldan qarsame inta u qabtay sanadkan gudihiisa malaaq ama suldan kalo qabtay majiro xita siyaasinteena digil iyo mirifle iyo inta la degto mid qabtay ma jirto wayo kumaanan qoys oo xamar ku dhibateysana aya dib u dajiyey dhulkii ay so faarujiyeen ila hadana wa wada…. ninka labaadna wa WAAFOOW gudoomiyaha degan n 50 oo aha geesigii uga horeyey ee ka tirisan konfur galbeed oo indha cade iyo tugadiisa maalin cadey iska caliyey.

  5. maasha allaah illaahay haku badiyo digil gesinimada uu leeyay suldaan warsame iyo injineer saalax waxaas ayaa dhiig iyo walaalnimo lagaa dhahaa.maashaallaah. teedakale walaalkeygakor ee DULMANE WAA RUntiisa aan u gudubno maamulka koonfur galbeed idig iyo mirifle qof kala goyn karo majiro oo alle ka ahayn waa walaalo.

  6. shirkii istan buul wacdaruu ku ridey geesiga geesiga dhaley taariiqda koonfur galbeed ayaa ku qori doonta. qof walbana wax walbo uu qabto camer ayaa inoo saaran.

  7. Aderow digil ha nabin digil ma ahan kuwa tuugsada muqdisho kuwa baabuurta dhaqa waxaas dhan waa mirifle digil dhulkiisa ayuu jooga mana soo qixin qaxba Allah ka haayo Dhul barwaaqo sooran ayuu deganyahay dhulkiisa waa loo soo qaxaa ee ma qaxo digil waxa sharafta naga qaaday waa mirifle oo wax deeqa la arag waa hadii xaqiqda laga hadlo weligod wasirada ayagaa isku koobo digil hal wasiir oo maqaar saar ah ayaa la siin jiray magaca digil na waa ku qaraabtan xaqeena ku maqan mirifle hana xaal mariyo hadii kale hana dhaafo yuu na shegan waxu geysto noola qabsada waxa boosaso lagu gubo wa mirifle muqdisho kan ku dhiban wa mirifle waxba iskuma taran iskumana naxan dad isku naxaynin miyaa anaga noo naxaayo waxay sameeyaan nalagu caaya digil wa masakiin dad wax dhaca mahan dad tuugsada dad barwaaqo sooran ah waxa loo ordaayo dhaqalaheena in la cuno Suldanka wa runtiisa inu difaaco mirifle waayo Adeer kiisa ayay wasiir siin jireen oo digil kale afka qaban jiray Ader kiisa digil maxuu uqabtay habargedir asiga salka ku watay xawaadle ayaga soo kireystay oo digil ka kale U adeeg san jiray Markasu dadka meelaha ka caaynaa baydhabo ma ka daqaala badan tahay shabeelada hoose sabab looga dhiga caasimada mamulka waa qiyaano ayadana dhaqalaheena la rabaa in lagu biilo baydhabo iyi gedo iyo bakool welina abaal noolaga haynin waxaad wadaan waa xoog reer shabeelada hoose halala xaajoodo hadii kale gobolkeena anaga U madax banaan cid noogu talineyso ma jirto mida kale suldana uu soo tiriyay maxay u qabteen digil dib udhac Mooye suldaan warkiisa wa dhamaday gada qalin ayay mareesa suldan wasiir nooso dhicin wayay maan Dhul ka sugnaa iyo maamul aan tashano gobolkeena

  8. ruunsheege ninka wadto magacaga wa bensheege hasee yeeshee ra,igaaga xor aya u tahay mirifle wixi ad ka tabeneyso inaad maalin cad iyo meeshad rabto ku sheegto xaq bad u leedahay lakin hadan su,al ku waydiyo dadkan xamar jooga DIGIL kale ayadoo la gaarin JIIDO wax uga badan maleh nus malyan aya xarooyinka jooga ceebna mahan abaarta ilah aya keney marka inad ben ben badan tahay oo adan dadkaga ka warheynin qoralkaga ka daremaya,, mida kale ´waxa tiri digil hal wasir aya la siya, digil wax la siyo asaga qata xaqiisa wasiir hada wasarada gashan dhiga ka ficanoo hada jirana maleh,, mida kale waxa tahay nin daciif aho walalkiisa sida looga daba qaata le yaqano wayo habar gidir iyo kuwii umadan gumeyey oo dhibateyey adiga oo hal maalin ka hadlaya kuma arkin ra,iyada lakin keliga mahan kuwa badanoo mirifle iyo digilba leh oo dacifin ahoo sida walalka lo dilo ama looga daba qaato le yaqana wa buuxan adigana kuwas aya ka mid tahay lakin hawiye iyo tumal wa u ogoshahay inay ku yeeshan

  9. run ahaanii ma ila haboon in aan is qabqabsano sawabtoo ah DİGİL İYO MİRİFLE waa dadwalaalo ah oo hal odey dhalay hadey qaar kamid ah ay fahmi waayeen it means ma ahan in dhib jiro waa in la iska qabtaa kuwa sheegto ama ku abtirsadop digil ama mirifle iney yihiin ama ay ka soo horjeeydaan shirka wqeen ka socodo magaalada BAYDHABO
    DİGİL İYO MİRİFLE waaa muqadas

Comments are closed.