Wefdi uu hogaaminaayo Reysulwasare Saacid oo gaarey Dalka Turkiga

0
79

SaacidWefidi uu hogaaminaayo reysulwasaraha dowlada federalka , Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa uu booqasho ku yimid dalka turkiga isgagoo beryahan ku sugnaa magaalada Geneve ee Switzerland oo uu kaga qayb-galayay kulankii golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Ra’ıisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay casuumaad rasmi ah ka heleen ra’iisul wasaaraha Turkiga, Rajab Dayib Ordogon. Waxaana wafdigan ka mid ah: wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka cadaaladda, Cabdullaahi Abyan Nuur, wasiir-u-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga , Maxamed Nuur Gacal, wasiirka horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim, wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka badda, Nadiifo Maxamed Cismaan iyo qaar ka mid ah la-talıyayaasha ra’isul wasaaraha Soomaalıya.

Reysulwasaraha Mudane Saacid ayaa maanta wuxuu kulan la yeelan doonaa ra’isul wasaaraha Turkiga, Erdogon iyo ku xigeenkiisa Bekir Bozdag iyadoo laga hadli doono sidii kor u qaadidda iskaashiga labada dal.

 

Daafeet.Com